U Diyaar Garawga 18-ka May Oo Si Weyn Looga Dareemayo Suuqyada Hargeysa

0
498

Hargeysa(Dawan): Waxaa suuqyada caasimadda Hargeysa aad looga dareemayaa u diyaar garawga afar iyo labaatan guurada ka soo wareegtay  maalinta xornimadda qaran ee 18-ka bishan May,  oo ku beegan maalinta isniinta ee todobaadka  dambe.
 
Mashquul badan ayaa laga dareemayaa  noqday  meheradaha dawaarleyaasha   dharka tolla oo ay dadku si xawli ah uga  socda  dharka oo ay ka tolanayaan calanka astaanta u ah Somaliland.  waxaa kor u kacay iibsiga dharka caruurta ee ka samaysan calanka Somaliland iyadoo sida Maalmaha  ciidaha oo kale ay caruurtu ku ciidayaan dharka astaanka qaran ee Calanka Somaliland.
Waalidiinta ku dhaqan caasimadda Hargeysa intooda badan ayaa ubadkooga u tolaya dhar laga sameeyay midabyadda  calanka Somaliland,   sidoo kale waxaa   kor u kacay qiimaha calanka Somaliland oo aad loo kala iibsanayo.
 
Waxaana   si weyn uga socda   suuqyada caasimadda Hargeysa  kala iibsiga dhamaan waxyaabaha  ku  suntan Astaanta Somaliland sida koofiyadaha calanka ah,  dharka calanka laga sameeyay iyo  alaabooyin kale oo ay ku xardhantahay 18 May iyo kelmado la mid ah oo lagu muujinayo xuska maalinta qaran ee Somaliland.Waxaanad moodaysaa caasimadda Hargeysa sida caruurta dharka calanka ah loogu iibinayo in loo diyaar garoobayo munaasibad ciideed.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply