Weftigii Nabadeynta u Joogay Talleex oo Go’aamo Soo Saaray

0
418

Hargeysa (Dawan)-Weftigii  isugu jira Wasiirrada iyo xildhibaannada, ee   labadii todobaad  ee u dambeeyey ku sugnaa magaaladda Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo si   ay uga hawl-galaan nabadeynta laba beelood oo walaalo ah oo halkaasi wada dega oo bishii la soo dhaafay ay dhex martay shaqaaqo, ayaa qaaday tallaabo lagu sugayo ammaanka iyo nabadeynta deegaankaasi.
 
 
Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo xalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa ka hadlay go’aamo ay soo saareen oo nabadda deegaankaasi lagu xoojinayo waxaannu yidhi  “Haddii aanu ahayn weftigii dawladu u soo igmatay xalinta shaqaaqadda iyo colaada ka dhacday Talleex, ka dib haddii aanu la samaynay labada dhinac is aragyo waxaanu soo saarey qoraal ka kooban 4 qoddob kuwaas oo qeexayey sidan:-

  1. In la qaato xabad joojin.

2.In ciidamada labada beelood la geeyo baro cayiman lagana fogeeyo magaalada iyo meelaha daaqsinta ah.
3.in xukuumadu hogaamiso wada hadalada dambe maadaama  dhawr jeer oo h re lagu guul daraystay.
4- In xukuumadu yeelato wixii fulin ah ee ku aaddan xalinta khilaafkan mudada soo jiitamayey.
Sidaa darteed, labadabeelood mid ahaan way saxeexday halka beesha kale ka biyo diiday taas oo ay ku mutaysteen in aanu xabsiga dhigno waxgaradkii u metelayey qaarkood.”
Xildhibaanbku waxa uu ku dooday in shaqaaqada labadan ardaa ay sabab u yihiin gacmo siyaasadeed, waxaannu yidhi  “Waxaa halkan colaada labadan beelood ee walaalaha ah soo gaadh siiyay waa  gamco siyaasadaysan oo aanay marnaba ka  xoroobin, taasoo soo sababtay soo noq-noqodka dagaalkan.”
 
 
 
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore  waxa kale oo uu sheegay in ay xukuumada  kala tashan doonaan tallaabada laga qaadi doono waxgaradkan beesha ee amar diidada samaysay.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in  xabsiga loo taxaabay shan qof oo laga soo xidhay beeshii diiday inay saxeexdo nabadeynta.
 
Labadan beelood ayuu iska hor imaad hubaysani ku dhex maray magaaladda Talleex bishii la soo dhaafay waxaana ku naf waayay lix qof, halka lix kalena dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen.
By: Faysal Axmed Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply