Habeenka Dumarka, Ragguna Bandoo Ayuu Ku Jiraaa

0
384

Ragga ku nool magaalada Bucaramanga ee dalka Colombiya ayaa raaca amaro  la siiyay oo ah inay hal habeen guriga joogaan oo caruurta daryeelaan, iyagoo dumarkoodu habeenkaasi ka qayb  gelaya xaflad lagu soo bandhigayo qaab dhismeedka sare ee loola dagaalamayo rebeshadaha qoyska ee sareeya.
Khamiistii la soo dhaafay ayay tani dhacday si ay dumarku habeenkaasi ugu raaxaystaan xafladaasi.
Maamulka magaalada ayaa soo abaabula xafladaasi iyadoo ay la socoto riwaayado iyo casharo gaar ah oo dumarkaasi la siinaya oo ka waramaya wada noolshaanaha wanaagsan. Waxaana lagu soo bandhiga goobo beero ah oo qurux badan.  Huteelada iyo goobaha laga dukaamaysto ayaa iyana habeenkaasi loo ogolaadaa dumarkaasi.
Mr. Amed Salan oo ah maamulaha mashruucan, ahna suxufi weyn ayaa sheegay in habeenka dumarka loogu talo galay, ay raggu iskaa wax u qabso ugu sheqeyaan caruurtooda ayna ogaadaan dareenka hawsha ay hayaan xaasaskoodu. Dalka ayay ku badan tahay rebeshadaha qoyska iyo muranada dhex maraya. Mashruuca ayaa ah in la muujiyo doorka raggu ku leeyahay gurayaha iyo caruurtooda ayuu yidhi  masuulku. Habeenkaasi raga bandoo ayay ku jiraan maayarka magaalada ayaa sheegay in qofka raga ah ee suuqa lagu arkaa uu yahay debiile habeenkaasi, haddii aanu haysan warqada loogu fasaxay dhaqdhaqaaqa.
Magaaladan ayay ku nool yihiin dad tiradooda lagu qiyaasay 530 kun oo qof.
 

Leave a Reply