Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashadda Oo Ka Warbixiyay Waxyaabha U Qabsoomay Shantii Sannadood Ee U Dambeeyay

0
386

Hargaysa (Dawan): – Wasiir Ku xigeenka waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, ayaa ka waramay qorsheyaashii u tisqaaday shantii sanadood ee la soo dhaafay iyo qorsheyaashooda mustaqbalka dhow-ba.
Wasiir Ku xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay koox weriyeyaal ah oo ka socday warbaahinta dawladda oo si wada jir ah u sameeya barnaamij ku saabsan wax-qabadka muuqda ee Somaliland ku tallaabsatay 24-kii sannadood ee ka soo wareegay markii ay dib ugala soo noqotay madax-banaanideedii midowgii lagu hungoobay ee ay la gashay Soomaaliya.
 
 
C/rashiid Ismaaciil Kaahin,  oo marka hore faahfaahin ka bixinayay waxyaabaha ugu muhiimsan ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare u qabsoomay shantii sanadood ee taladda dalka haysay xukuumadda  kulmiye ee uu hogaamiyo madxweyne Axmed Maxamed maxamuud (siilaanyo), iyo sidoo kale qaab-dhismeedka wasaaradda waxbarashadda.  Waxaanu yidhi “Wasaaradda waxbarashadda waxay ka shaqaysaa maamulka waxbarashadda dalka iyo maanka ardayda sidii kor loogu qaadi lahaa, ee wax loo bari lahaa, horumarna loo gaadhsiin lahaa.  wasaradda waxbarashadu waxay ka kooban tahay 11 waxaad, waxaanay kala yihiin, waaxda dugsiyadda sare, waaxda dugsiyadda dhexe, waaxda kormeerka, waaxda maamulka, waaxda waaxda waxbarashada dadban, waaxda shaqaalaha, waaxda qorsheynta, waaxda lamaanaha, waaxda imtixaanka, waaxda manaahijta iyo waaxda waxbarashada gaarka ah”.
 
Mar uu  ka waramayay  tiradda  guud ee shaqaalaha ka hawl gala wasaaradda waxbarashadda iyo tiradda dugsiyadda cusub ee la dhisay mudadda shanta sanno ah. “Wasaaradda waxbarashadda shaqaale aad u tiro badna ayaa ka hawlgala, oo ay tiradoodu gadhayso ilaa 6557, oo qof guud ahaan. Xarunta wasaaradda waxbarashadda ee Hargeysa waxaa ka hawlgala shaqaale ay tiradoodu gaadhayso ilaa 285 qof tiradda dugsiyadda sare kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay  waa 120 dugsi, waxa kale oo jira dugsiyadda dhexe oo tiradoodu tahay 1164 dugsi dawli iyo private-ba waxa kale oo jira dugsiyadda farsamada gacanta oo laba ay ugu muhiimsan yihiin dugsiga farsamadda gacanta ee Hargeysa iyo dugsiga farsamadda gacanta ee Burco.
 
 
Waxa kale oo ka mid ah dugsiyadda wasaaradda wxbarashadda hoos yimaadda dugsiyadda baahiyaha gaarka ah oo iyaguna sida dadka caafimaadka qaba wax loo barayo in iyagana  waxbarashadooda aad loogu dedaallo, kuwaasi oo ka kal ah labadda dugsi eek u kala yaala Hargeysa iyo mid ka jira Boorama” ayuu yidhi C/rashiid Ismaaciil Kaahin.
 
Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in waxqabadka wasaaradda waxbarashadu uu aad u badan yahay, hase yeeshee   marka si guud looga hadlo qaybaha ugu muhiimsan, ay ka mid yihiin, dhinaca dhismeyaasha dugsiyadda waxbarashadda, waxaanu yidhi  “Tiradda fasaladda la dhisay ee loogu tallogalay in ardaydu ay wax ku bartaan ee la kordhiyay mudadii ay talladda dalka haysay xukuumadda Kulmiye ee uu hogaamiyo, madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waa 7788 fasal ayaa la dhisay mudadaa shanta sanadood ah.
Waxaa markaa halkaasi kaaga muuqanaysa sida ay xukuumadu ugu dedaalayso in loo horumariyo waxbarashadda, oo ah meelaha aasaasiga  u ah ama laga eego horumarkeena. Korodhka tiradda ardayda dugsiyadda hoose dhexe kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.
 
Marka  laga soo bilaabo sanadkii 2010 waxay tiradda ardaydu ahayd 19003 arday, imikana ardaydu waxay gaadhayaan 218215 haddii lagu eego korodhkaasi boqolay waxay  noqonaysaa ilaa 13% ayay kordheen, wax  hoos u dhac ahina ma jiro, tiradda ardayda dugsiyadda sare dawli iyo gaarba 2010 waxay ahaayeen 26343 arday, maantana waxay maraysaa tiradda ardaydu 43517 arday, markaa sida ay tiradoodu u korodhay waa wax inoo muuqda waxaanay korodhay 39%.
 
Tiradda ardayda waxbarashadda dadban iyagna sanadkii 2010, waxay ahaayeen 38935 arday wakhtigan aynu maanta joogno ee 2015ka korodh ayaa ku yimid waxaanay  gaadhaysaa afartan kun sagaal boqol iyo sodon arday, waxaanay korodhay 5%”.
 
Mar uu ka hadlayay korodhka xagga miisaaniyadda wasaaradda waxbarashadda ku yimid shantii sanadood ee u danbeeyay, waxa uu sheegay in miisaaniyadda wasaaradda waxbarashu uu kordhay 100%, marka la is barbar dhigo halka ya taagnayd sanadkii 2010-kii iyo halka ay maanta marayso.
La soco cadadyadda danbe……
By: Khadar  Cabdi  Muuse
Dawannews Hareysa office

Leave a Reply