Badhasaabka Sanaag oo Ku Ammaanay Shacbiga Ceerigaabo Inay Dhegaha ka Furaysteen Mudaharaadkii WADDANI

0
448

Ceerigaabo (Dawan) – Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay, ayaa shacabka ku dhaqan Ceerigaabo ku bogaadiyay sida aanay uga qayb-qaadan Muddaharaadkii Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ku baaqay, waxaanu tilmaamay in banaan-baxaasi ahaa  mid sharci darro ah oo dhaawacaysay  ammaanka iyo xasiloonida gobolka Sanaag.
 
Axmed Cabdi Falay oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa waxa kale oo uu bulshada ugu baaqay inay si balaadhan uga qayb-qaataan xuska 24 guurada dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee 18 May.
 
“Waxaan halkan uga mahadnaqayaa uguna hambalyaynayaa shacbi-weynaha reer Sanaag, gaar ahaan Ceerigaabo sidii ay wanaagsanayd ee ay dhagaha uga furaysteen dhawaaqii dhagaraysnaa ee loo soo jeediyay ee ay u diideen oo ay yidhaahdeen annagu wax nabadayada, jirtaankayaga iyo midnimadayada ka hor imanaya ma aqbalayno, mar labaad aad baan ugu mahad-celinayaa shacabka reer Sanaag ee arrintaa diiday inay ka qayb-qaataan ugu jawaabay inay diidaan arrintaa amni darada ahayd ee aad moodaysay in meelo kale laga soo maleegay,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sanaag.
 
Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Shacbiga reer Sanaag, waa shacbi  aad u qiimo badan oo nabadda iyo midnimada ka shaqeeya, waanay cadaatay in aan innaga wax tashuus ah ah innagu yeelanin baaqii mudaharaadkii sharci darrada ahayd ee xisbiga WADDANI Iclaamiyay.”
 
 
Guddoomiyaha gobolka Sanaag waxa uu bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag u soo jeediyay inay si balaadhan u xusaan 18 May, waxaannu yidhi  “Shirkan jaraa’id waxa kale oo aan doonayaa inaan kaga hadlo xuska 24 guurrada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland, waxaan leeyahay dhammaan dadweynaha  reer Sanaag in maalintaa xuskeeda aynu muujino ayaa la innooga baahan yahay oo sidii caadada u ahaan jirtay ee lagu yaqaanay reer Sanaag inay u dhago nuglaadaan oo ay had iyo jeer qaranimadooda ay muujiyaan, xuskaa qaranimada Somaliland waxaan leeyahay si weyn ugu soo baxa u muujiya 18 May .”
 
Axmed Cabdi Falay sidoo kale waxa uu maamulada Degmooyinka hoos yimaada gobolka Sanaag faray inay masuuliyad iska saaraan sidii ay u weynayn lahaayeen munaasibada 18 May, waxaannu yidhi  “Sidoo kale waxaan farayaa dhammaan hay’addaha dawlada ee heer gobol iyo heer Degmaba inay si balaadhan uga qayb-qaataan maalintaa qaranimada Somaliland, sidoo kale maamulada ama Degmooyinka ee gobolka hoos yimaada waxa la farayaa inay maalintaa weyneeyaan oo cududooda muujiyaan iyo jirtaanka aynu maanta innagu hormoodka u noqon doono sidaan horeba u tilmaamay.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hareysa office

Leave a Reply