43 Shiico ah oo lagu Dilay Bakistan

0
373

Saraakiisha dalka Pakistan ayaa sheegaya in afartan iyo seddax qof lagu dilay weerar lagu qaaday bas ay saarnayeen dad shiico ah oo marayay magaalada Karachi.
Saraakiisha ayaa waxa ay intaasi ku dareen in 13 qof oo kale lagu dhaawacay weerarkaasi.
Rag hubaysan oo watay mootooyin ayaa lagu soo waramayaa in ay hareereyeen baska, kaddib ay gudaha u galeen, si aan kala sooc lahayna ay rasaas ugu fureen dadkii saarnaa baska.
Waxa la rumaysanyahay in dadkii saarnaa baska ay u badnaayeen dumar iyo caruur.
Madaxa booliska gobolkaasi ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi uu u muuqdo in uu yahay mid ay fuliyeen suniyiin xagjir ah.
Sawiro laga baahiyey Tiifiiga ayaa muujinayey baska oo ay ka muuqato rasaas aad u badan.
 

Leave a Reply