Taariikhda Yaman oo Halis ku Jirta

0
410

Hay’adda dhaqanka ee Qaramada midoobeey ayaa ka digtay halista haysata goobaha  taariikhiga ah ee Yaman, ee ka dhalan karta qalalaasaha dalkaasi.
Arrintan ayaa imaaneysa saacado kaddib markii ay bilaabatay xabad joojinta shanta maalin ah ee loogu talagalay howlaha gurmadka .
Ku dhowaad 7 isbuuc, isbeheysiga uu Sacuudiga hogaaminayo waxa ay ololle ballaadhan ku duqeynayaan mucaaradka Xuutiyiinta ah.
Xarumaha militariga ee mucaaradka ayaa bartilmaameedka uu yahay, laakiin waxaan shaki kujirin inay dhibaato gaadhay dad rayid ah iyo burburka dhismayaasha dalka.
Waxaa sidoo kale halis ku jirta dhismayaasha iyo naqshadaha taariikhiga ee u gaarka ah Yaman.
Dhismayaasha qurxoon ee midabada kala duwan leh, ee lagu qurxiyay rinjiga cad ee Carabta iyo daaqadaha midabada leh ee ku yaalla bartamaha magaalada Sanca, iyo magaalada kale ee Waqooyiga ku taalla ee Sacdaa ee ay ku xoog badan yihiin xuutiyiinta, ayaa hay’adda sheegeysaa inay ku dhow yihiin in la burburiyo.
UNESCO waxa ay sheegeysaa in la soo gaadhsiiyay warar naxdin leh ee ku saabsan dhaawaca daran ee loo geystay dhismayaashaasi, taas oo ay ku sheegtay inay tahay baabi’inta Farshaxan kaloo dunida Carabta ah.
 

Leave a Reply