Dadka Da’da Ah Dareemaha Urintu Waa Saadaasha Geerida

0
406

Aqoonyahano Maraykan ah ayaa sheegay in marka dadka waaweyn uu dareemaha urintu ka galo khalkhal ama uu waayoba isagoon kala saari Karin waxayaabaha uraya, ay taasi cadanayso inay dhowdahay wakhtigii geeridiisa.
Cilmi baadhayaasha oo uu hogaaminayay Jayant Pinto oo ka tirsan jaamacadda Chicago ee dalkaasi aya Arbacadii ku daabacay wargeyska  Bulus one ee Maraykanka inay daraasadan soo saareen ka dib markii ay ka qaadeen kumanaan qof da’ ah tijaabo dhinac urta ah. waxa kale oo uu sheegay in la ogaaday in xanuunkani yahay mid aan laga bogsan.
 
Cilmi baadhayaasha ayaa dad gaadhaya 3000 qof oo isugu jira rag iyo dumar imtixaanka tijaabada heerka urintooda mariyay, iyagoo u keenay alaabooyin ay adag tahay  urintoodo in la kala saaro sida Kaluunka, Liinta, Ubax iyo haraga.
Cilmi baadhayaasha ayaa muddo ka dib dadkaasi oo diiwaan gashanaa mar kale baadhay waxayna ogaadeen 430 qof oo ah 12%. oo rag iyo dumarba lahaa ay dhinteen kuwaasi oo ahaa kuwii kala ogaan waayay urta alaabooyinkii loo keenay kana lumay dareemhaasi urinta.
Cilmi baadhayaasha ayaa sheegay in aanay weli ogayn xidhiidhka ka dhexeeya dareemaha urinta iyo geerida.

Leave a Reply