Maxaad Ka Taqaana Wadamada Ciidan Ahaan Ugu Awooda Badan Caalamka?

0
2540

Waxa toddobaadkan lasoo bandhigay daraasad muujinaysay ciidamada Caalamka iyo siday u kala awooda badan yihiin,waxaana loo eegay hubka ay haystaan iyo sidoo kale tabobarada ay haystaan,iyada oo aan meesha lagu soo darin hubka sida xun wax u gumaada oo ay wadamo badani haystaan.
Ciidamada wadanka Maraykanka ayaa kamid ahaa kuwa ugu awooda badan caalamka,uguna fiican dhinaca saanada ciidamada iyo sidoo kalena tabobarada,waxa iyaguna soo galay kaalmaha hore wadamada Russia ,Chine,India ,Britain ,France ,South Korea ,Germany iyo Japan.
Waxaana kaalinta tobnaad iyo kow iyo tobnaad soo galay ciidamada Turkiga iyo sidoo kalena Yuhuuda.
Sidoo kale ciidamada wadamada Carabta ee kaalmaha hore soo galay waxa kamid ahaa wadamada Masar oo noqotay dawlada ugu awooda badan dawladaha Carbeed,iyada oo gashay kalinta sideed iyo tobnaad,waxa kale oo kaalinta 27-naad soo gashay dawlada Algeria ,halka kaalinta 28 naad ay soo gashay boqortooyada Sucuudi Carabia.
Sidoo kale waxa daraasadan lagu soo qaatay in ciidan ah ee wadan walba diyaarka u ah inay dagaalanto,waxaana kaalinta kowaad galay wadanka Chine  oo ciidamadiisu noqdeen 2333000 oo askari.waxaana kaalinta labaad soo galay ciidamada Maraykanka oo noqday 1400000 oo askari,kuwaas oo markasta dagaal diyaar u ah,kaalinta saddexaad waxa soo galay wadanka Hindiya oo iyaguna noqday 1325000 oo askari,kuwaas oo iyaguna diyaar ah,kaalinta afraad waxa yimid dalka Ruushka,kaas oo ay diyaar u yihiin 766,000 oo askari,waxa iyaduna soo raacday wadanka Waqooyiga Korea oo ay diyaar u yihiin 690,000 oo askari,kuwaas oo dagaal u joog ah,waxa iyaduna soo raacday Koonfurta Korea oo ay diyaar u yihiin 624465 askari.
Dhinaca wadamada Carbeed ,waxa iyaguna diyaar u ah oo kaalinta kowaad kaga jirta wadanka Algeria oo ay diyaar u yihiin 512,000 oo askari,halka ay dawlada Masar-na diyaar u yihiin 468500 oo askari,waxaana ugu dambaysa dawlada Ciraaq oo ay diyaar u yihiin 271500 oo askari.
 
 
 

Leave a Reply