“Somaliland Arrimaheeda Iyadaa u Madax-banaan, Beesha Caalamkuna Nama Xukunto” Wasiirka Khaarajiga

0
379

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay beesha caalamku xukumin Somaliland isla markaana ay Somaliland arrimaheedda u madax-banaan tahay, sidaas darteedna aanay jirin sabab ay beesha caalamku ugu khasabto in laga noqdo go’aankii muddo kordhinta xukuumadda ee ay sameeyeen golaha guurtiddu.
 
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo warbaahintu wax ka waydiisay in wefti ka socda midawga Yurub oo booqsho ku jooga magaaladda Hargaysa in ay xukuumadda ku caadisay in laga noqdo muddo kordhinta ay golaha guurtidu xukuumadda u sameeyeen ayaa sheegay in Somaliland uu ka mid yahay wadamadda beesha caalamka isla markaana uu u madaxbanaan yahay hawlihiisa.
 
“Dawladda Somaliland waa dal ka mid ah beesha caalamka, waa dawlad inkasta oo aanay ictiraaf haysan madaxbanaan, waa dawlad ku dedaashay in ay gaar isku taagto, waa dawlad shuruucdeeddaiyo waxqabadkeedda, iyo dastuurkeedda iyo ururadeedda leh,  shaqadeeddaiyo hawsheedda sida ay u qabsatana way taqaanaa”ayuu yidhi wasiir Biixi.
 
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay weftiga ka socda midawga Yurub kala hadleen arrinta muddo kordhinta, isla markaana ku qanciyeen in go’aankaasi uu yahay mid aan ka noqosho lahayn. Waxaanu yidhi “Wadahadalo waanu la yeelanaa beesha caalamka, wadahadaladda aanu la yeelanaana, oo waanu is-waraysanaa, laakiin danta Somaliland iyada ayay u taalaa, shacbiga Somaliland ayay u taalaa, guurtidda ayay u taalaa, baarlamaanka ayay y taalaa iyo dawladda Somaliland, wax dhibaato ahina ma jirto.
Caalamkana waanu la hadalnaa, waananu ku qancinaa cidii noo timidna wadahadal ayaanu la yeelanay, waananu ku qancinay arrinku siduu yahay”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply