Caruur Iskuulley ah oo lagu Xidhay Kenya

0
403

Booliska dalkani Kenya ayaa waxa ay xireen afar ardey ah oo lagu eedeynaayo inay maleegayeen weerar argagixiso oo ay iskuul ku qaadaan.
Gudoomiyaha deegaanka Marsabit, ee gobolka Bariga Kenya, Wanyama Musiambo ayaa sheegaya in ardeydan ay warqad hanjabaad ah u direen Iskuulka, taas oo ay ku caddahay faafaahinta qaabka weerarka uu noqonaayo.
Caruurtan iskuuleyda ayaa la sheegayaa inay fariin u qoreen maamulka Iskuulka oo ay u sheegeen maalinta weerarka uu dhacayo.
Wiilasha oo da’dooda ay u dhexeyso, 13 illaa 16 sano, waxa ay dhigtaan fasalka sideedaad ee iskuul lagu magacaabo St Kizito oo ku yaalla bariga Kenya.
Iskuulka ay caruurtan dhigtaan waxaa maalgeliya kaniisadda Catholic.
Booliska waxa ay sheegayaan in wiilashan ay si isdaba jog ah ay fasalka uga maqnaayeen dhowr maalin.
Waxaa sidoo kale lagu eedeynayaan in waqti badan ay ku bixinayeen xarun internetka laga isticmaalo.
Waxaana la sheegayaa in wiilshan ay fariinta hanjabaadda ah direen, kadib markii iskuulka laga ceydhiyay oo loo sheegay inay waalidkooda keenaan si ay u sharaxaan meeshii ay ku maqnaayeen.
Gobolka Waqooyi bari ee Kenya oo deris la ah gobolka Bariga, waxaa ka dhacay weeraro ay masuuliyadooda sheegteen ururka Al-shabaab, kii ugu dambeeyay oo ka dhacay Garissa waxaa ku dhimatay, ku dhowaad 150 qof oo ardey u badneyd.
 

Leave a Reply