Xaaji Cabdi Waraabe Oo Mucaaridka Ugu Baaqay In ay Siyaasadoodda Wax Ka Bedelaan

0
442

Hargeysa (Dawan):  Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe ),    ayaa dhaliil culus u soo jeediyay hanaanka siyaasadeed ee xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID. Waxa kale  uu  ka hadlay muddo kordhinta uu golaaha guurtidu  u sameeyay xukuumadda iyo Wakiilada, xaalada guud ee wadanku imika marayo iyo arrimaha nabadgaliyada.
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe),  oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Huteelka  Baar-Xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa si weyn u  naqdiyay hadalada ka soo yeedhay  hoggaanka sare ee xisbiyada mucaaridka ah.wuxuu sheegay in gudoomiyeyaasha UCID iyo Kulmiye ay tallo ula yimaadeen  xubnihii guurtidda eek a soo tallo bixinayay muddo kordhinta, isla markaana ay mudadda ka dhigaan sanad iyo badh, taasi oo uu sheegay in ay gudi ahaan ka aqbaleen.
“Xisbiyadda mucaaridka ah ee imika hadalka soo celiyay  ayaa noo yimid,  waxaanay noola yimaadeen tallo waxaana si wada jir ah  noogu yimi Faysal Cali Xuseen (Faysal  Cali Waraabe) ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.   waxaanay yidhaahdeen saddexdayadii  xisbiba waxa aannu ku heshiinay doorasahada hadalku ka taagan yahay, inaanu sanad iyo lix-bilood aanu ka dhigno waxaanay noo sheegeen inay saddexdooduba isku waafaqeen oo ay ka heshiiyeen ,oo warbaahinta ayay ka siidaayeen ,waxaanu ugu jawaabnay go’aanka idinkaa lehe waxaanay nagu yidhaahdeen talo ayaanu idiinla nimid taas oo ah inaad mudada ka dhigtaan sanad iyo lix-bilood oo aydaan badinin ,waanu ka aqbalay”ayuu yidhi Xaaji Cabdi.
 
Xaaji Cabdi waxa kale oo uu sheegay in mudaddii ay labadda guddoomiye ee UCID iyo Kulmiye u soo jeediyeen ay ku dareen afar bilood oo qudha. Waxaanu yidhi   “Haddii aanu golaha guurtida nahayna afar-bilood ayaanu ku kordhinay sababtoo ah waxaanu ugu kordhinay, haddaanaan wuxuun ku darin Gurtidibaa meesha ka baxaysa oo xisbiyadiibaa halkan soo galaya, Afar-bilood baanu ku daray oo sanad iyo toban-bilood ayaanu ka dhignay, markaa Faysal Cali Xuseenkii sidaa noola yimid ee nagu yidhi go,aankana idinkaa leh ayaa hadana maanta hanjabaad iyo kuleyl iyo qadaf wada.
“Adeerbaan u ahay oo sir iyo caadba waan ula hadlay maantana taladan ay noola yimaadeen iyagu may laheyn oo Qarbigaa lahaa Ingiriis iyo Maraykan iyo Faransiis colkaasaa lahaa ,waxaana laynagu qiyaasayaa doorashada koonfureed ,wax ay ka gadoodaana maanaan odhan oo ragii hore waxa ay odhan jireen ILLAAHOW haa iyo maya meel hanagaga wada yeedhsiin. waxaa ay noola yimaadeen ee aanu yeelnay inay hadana maanta ay mucaarid ku noqdaan iyagaanay dan u aheyn waana ayaan darro”.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Markaa  waxa aad odhanayso iyo waxa aad tidhi inaad iska hubsata wayn  caalamkana waxa aanu u sheegaynaa waxaa aanu ku daray waa afar-bilood qalinka Gurtiduna inuu soo galo ayaanu sidaas ugu qornay xisbiyadana toodi ayaanu qaadanay  oo yareeya ayay nagu yidhaaheen oo waxanu damacsanaynba afar-bilood oo kaliya ayaanu ku darsanay , Hadaan ceeb falayna geel shan iyo toban qaday ayaan ceel keenay hadaanan ceeb falina geel shan iyo toban qaday ayaan ceel keenay, anaga ka guurti ahaan waxaanu kordhinay waa afar-bilood ee beesha caalamku ha ogaato”.
Dhinaca kale  Cabdikariin Xuseen Yuusuf, ayaa u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka ah in doorashadda ka dhacaysa sanadka 2016-ka la doonayo in lagu qiyaaso ta Somaliland, sidaaas darteedna sababta ay mudadda afarta bilood ah ugu kordhiyeen ay tahay si loo kala duwo labadda doorasho. Isagoo hogaamiyeyaasha mucaaridkana u jeediyay hadalo dardaaran iyo digniin ah.
 
Waxaanu yidhi “Ragiina xisbiyada ragiina madaxtinimada doonayoow waxa laynagu wadaa qiyaasta qolada koonfureed, koonfurtana talada dhexgasha baabi’say , aniguna maanta waxaan leeyahay diidmadana ma lihidin talada horana maydun laheyn ee aad noo keenteen tii horana waa laydiin soo dhiibay ,diidmadana waa laydin yidhi ka noqdana waa laydin yidhi ee maydaan rag waa weyn aheyn waxaa idin leeyahay u hubsada hadalka aad odhanaysaan iyo waxaa dalka iyo shacabkaba dani ay ugu jirto iyo wixii calanka dantiisa  ah. Waxa leynagu dilaayo waynu garanaynaa oo ILLAAHAY baan wali inoo fasixin in layna ictiraafo oo calanka tawxiidka ALLE ku yaal ayaa wadanada qarbiguna ka cadheysan yihiin Ingiriis waa uu ina dabeeco yaqaanaa ,in dhalinyarada dumarka iyo caruurta soo baxa la leeyahay inay gartaan dantooda weeyaan ,nimaan dantooda wadin ee kursi doonaya oo kolba nin kaxeysanaaya oo dawladuhu soo diranayaan inay dhalinyaradu Somaliland ee wanaagsani dhagaystaan ma aha.
Waxaa  la inagu wadaa inaynu Baasaaboorka Xamar u doonano sidii waagi hore oo aynu ku guda dhacno qoladaas Xamar ,iyagii oo la baabiiyay oo toban madaxweyne loo yeelay, madaxweyne kastaana in la raaco ayuu doonaya, koonfurna waa ay baabiiyeen, Maraykan iyo Ingiriis iyo Faransiis inagana imikay gacanta inala soo galeen, waxaanan iyaga leeyahay waar na daaya ictiraafka ILLAAHAY baa noo haye, na daaya waxoogaaga aad na siinaysaana ama haysta ama na siiya laakiin gacan gashiimada iyo isku dhufashada iyo baabiinta naga daaya.”
 
Sidoo kale Xaaji Cabdikariin, ayaa baaq u jeediyay beesha caalamka oo uu sheegay in qori-dableh kula dhexwareegayaan Somaliland, isla markaana ay doonayaan in ay fidmo ka dhex ridaan dalkan nabadda ah. “Waxaan leeyahay beesha caalamka, Fidmo ayaad nagu wadaan oo labada nin ee mid Bari ka baxay midna Galbeed ka baxay ee nin ba yidhi cidla ayaan ka madaxweyne ahay iyagu isma wadaan ee idinkaa wada , ninka buuraha galay ee boqorka sheegtay  waa la ogyahay oo Itoobiya ayuu ku dhex jiraa, Cali Khaliif Galaydhna waxa uu ku dhex jiraa Soomaaliya iyo Itoobiya,  idinkaa wada, waxaananu leenahay  waynu is naqaanaa,” ayuu yidhi Xaaji Cabdiwaraabe.
 
Waxaanu  intaas  ku daray “Maanta mudahraad goobteed ma joogno, maxaa inaga iyo mudahraadna ina soo kala galay ,shicib walaala ah ayaynu nahay, shicib nabada ayaynu nahay, shicib is ogol ayaynu nahay waxaynu leenahay xukuumad saafiya oo li laahiya oo dalka iyo dadkaba ka shaqeysa  haday Madaxweyne tahay iyo haday golihiisa wasiirada yihiinba ,wadadii dawladnimada ayay cagta ku hayaan way adkeysi badan yihiin, waxaas oo dhana waa ay arkayaan, waxaa loola imanaayo waa arkayaan, waar hooy ninka mudahraadka wadoow ka daa dadka ,ninka maanta diidan mudada la kordhiyayna waa nin leh Guurtidu meesha ha ka baxdo waanu garanaynaa oo maanta wadamada jaarkeena waxa aynu dheerahay waa Guurtida markaa ninka leh qalinka guurtidu meesha haka baxo waxa uu leeyahay sida Soomaaliya cidkale wadanka haw talliso”ayuu yidhi Cabdi Waraabe.
By :Khadar M Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply