Cabdiraxmaan Cirro Oo Aqbalay Wada Hadalka Xukuumaddu Ugu Baaqday Mucaaridka, Markii uu Dadweynuhu Dhabarka u Soo Jeediyeen

0
386

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shuruud la’aan ku aqbalay wada hadaladii iyo gogoshii ay xukuumadda Somaliland u fidisay xisbiyadda mucaaridka ah.
Guddoomiyaha  Golaha Wakiiladda ee mudada loo kordhiyay ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu xalay cawayskii soo saaray, ka dib markii uu shalayna xisbigiisu iclaamiyay inay ka noqdeen mudaharaadkii ay ku baaqeen markii shacbiga Somaliland dhegaha ka furaysteen baaqyadii mudaharaadkii sharci darrada ahaa ee uu ku baaqay Hoggaanka  WADDANI.
Guddoomiye C/raxmaan Cirro waxa uu gogosha wada hadalka aqbalay markii uu ogaaday inuu fadeexado siyaasadeed hadheeyeen xisbigiisa iyo siyaasadiisa labadaba, isla markaana aydadweyne  badani candhuuftooda dib uga liqeen markii ay u arkeen siyaasi danno shisheeye xambaarsan oo doonaya inuu sharciyada dawladnimadda Somaliland ku tunto.
War-saxaafadeedka Guddoomiyaha WADDANI waxa uu u dhignaa sidan:- “Mabda ahaan Xisbiga WADDANI Wuxuu Soo Dhaweynayaa gogosha Wada hadalka iyo wada tashiga uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland fidiyey.
Waxa Xisbiga WADDANI aaminsan yahay inay Somaliland wax badani ugu hagaagayaan wada hadalKa marka loo eego marxalada maanta la marayo.
Qaabka loo gelayo wada tashiga Qaran iyo ajandaha laga hadlaayo waxaanu wadatashi kala gelaynaa Xisbiga aanu mataanaha nahay ee mucaaradka ah ee UCID,haldoorka iyo tallo-qabeenk Somaliland.
Waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeedinaynaa beesha Caalamka ee danaysa horumarka iyo dimuqradiyada Somaliland ee heeganka u ah qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgalay Somaliland waqtiga guddiga doorashooyinku cayimay ee 1 June, 2016
Madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay ku rajoweyn yihiin dal iyo dibadba in lagu Guulaysan doono wadahadaladaas.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply