18 May: Maalin Qaran Iyo Wada Jir Loo Dhan Yahay

0
495

Waa mahad AllE oo dalkeenna Somaliland waxuu ku sugan yahay nabad, ammaan, barkhad iyo baddhaadhe. Waxa dhiman waa aqoonsi caalami ah, waa mid aynu ku gaadhi doono samir, wadajir iyo dedaal, iyo mahadda Alle. 
Qaranimada Soomaliland waxa loo huray dhiig, maal iyo nool. Waxa lagu helay kifaax hubaysan oo ururkii SNM ku guulaysatay. Waxaana lagu fooladeeyey Burco 18kii May 1991, kolkii qalin iyo qalbiba ay ku midoobeen beelahii SNM iyo beelihii ka baxsanaa ururka, ka dib markii dood dheer oo cad, si siman loo gorfeeyey.Waxa leysku raacay in lala soo noqdo qaranimadii luntay 1960, waxaana la dhisay dawlad ay hogaaminayso SNM muddo laba sano ah. Waxaana Madaxweynahii u horeeyey noqday Cabdirahmaan Axmed Cali Allah ha u naxariistee. Waxaa la dhisay Guurti lagu soo daray beelihii darafyada iyo xukuumad loo dhan yahay oo beelahu kulmisay.
SNM waxy noqtay jabhadii u horreysay dunida ee hab dimuquraadi ah ku dhisan, iyadoo horeba tijaabada dimuquraadiga ku guulaysatay oo shan hoggaamiye kala bedeshay mudadii tobanka sano ee halganku socday. SNM oo raacaysa habdhaqankaas waxay dhistay dawlad ka koban 17 wasiir oon lahayn ku-xigeeno iyo wasiir dawlayaal. Waxayna noqotay mid si taam ah u fulisa mudadii ay qabsatay. Inkastoo qas siyaasi ihi dhaliyey isku dhac, haddana waxay noqtay mid talada u celisa dadweynaha oo ay hagayaan guurtida beelaha Soomaliland oo dhan. Waxaana dhacday in Boorame oo ah magaalo madax beel aan SNM ahayni noqotay halka lagu amboqaado horusocodka Soomaliland. Waxa xilkii ku wareegay Madaxweyne aan ka tirsanayn halkankii SNM, Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Waxaa xigay Madxweyne Daahir Riyaale oo ka tirsan beelahii ka maqnaa ururkii SNM oo nasiib u yeeshay inuu noqdo Madaxweynahi u horeeyey ee si toos ah loo doortay. Waxayna dhammeysay seddex marxaladood oo dalku soo maray muujisayna in talada dalka loo siman yahay.
Waxa xigtay doorashadii labaad ee Madaxtooyada 2010, waxayna guul weyni ku raacday xisbiga KULMIYE, waxaana Madaxweyne noqday Axmed Maxamed kuxigeena Cabdiraxmaan Saylici oo ah hoggaanka maanta. Guushaasi waxay kor u qaaday dimuquraadiyadda Soomaliland oo noqotay kolkii ugu horreysay taariikhda Soomaaliyeed guud ahaan ee mucaarid doorasho ku guuleysto, isla markaasna geeska Africa kow ka ahyd, dunida seddexadna guud ahaan ku ah naadir iyo teel teel.
Illaahay mahadi ha ka gaadhee, dalku waa nabad, dadkuna waa dar niyad wacan oo ididiilo wanaagsan hiigsanaaya. Waxa jirta colaad inagu xeeran, waxa jirta qabyaalad curyaamisay qaranka, waxa jirta dhutis dhaqaale, Waxa se hubaal ah in xukuumadda Axmed Maxamed wax weyn qabatay oo marag ma doon ah, maanta ujeedadu ma aha inaan taas taabto, waayo mucaaridkaan rabaa inay la farxaan. Waxa dhimman waa qaar u baahan wadajir iyo gacmaha oo aynu is qabsano. Waa bedel dhaqanka qabiilka ee siyaasadda galay, mana aha mid xisbi keliye bedeli karo, waa mid mucaarid iyo muxaafidba u baahan. Dawladnimadu waa guri oo kale oo haddii meel dilaacdo oon dilaacaas la gufeen ay galaafan doonto guriga oo dhan. Waxa dalku qaatay nidaam dimuquraadi ah oo ku salaysan axsaabta badan. Taasi waxay waajib ka dhigaysaa tartan xisbiyada dhex mara Tartanaku waxa ka dhasha mucaarid iyo muxaafid. Mid waliba xil gooni ah oo u gaar ah ayaa saran.
Muxaafid waa kan haya awoodii dawladnimo, waxa shacbi weyne kula xisaaabtamayaa wax qabadkooda. Waa se in looga dambeeya maamulka, oo waxa sharcigu u baneeyey lagu jiq siinin. Waxa laga rabaa ma aha wax ayna awood dhaqaale amba farsamo u lahayn, waa mid lagu qiyaasaayo dhaqaalha yare e dalku leeyahay, iyo aqoonta aan fidsanayn ee jirta. Togba waa ku taagtii, dawsladna waa ku tamarteed.
Mucaaridda u daa dhaliil iyo dhaleecayn. Taas waxaa raacda inay dhaliisha raaciyaan waxa ay la iman karaan si ay ku toosiyaan. Waxay la imanayaan barnaamaj siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo ay dadweynaha soo hor dhigaan. Ma aha inay waqtigooda ku dhammeeyaan casho sharaf qurbaha ah iyo xafladdu gudaha ah iyo makarafoon aan weedha ka baxaysa loo fiirsan.
Kaalinta dadweyne waa inay la socdaan labada garab, oo ay danta guud ku cabiraan si ay u kala doortaan. Dadweynaha intiisa badani waa inay noqdaan dar u dhego fudud qiimeynta arrimaha socda, ayna u kala raacaan marba meesha danta guud ku jirto. Guntuna waa garabka ay u bataan kan shukaanta ay u dhiibayaan. Dadku ha ka koro dan gaaban, dhuuni maalmeed iyo nin neceyb iyo reer jaceyl.
Tartanku ma aha mid ina ilowsiiya qaranimadeena, midnimada dal iyo danaha badan ee aynu ka simannay. Waa geed ka go’an inaynu qaranimada wado daafacno. Waa inaynu wadajir ugu halganaa ictiraafka. Waa inagoo kala xisbi ah wado shaqaynaa, sharkado wada dhisanaa, ururo bulsho wada maamulnaa. Ogow wax qabadka xukuumaddu dadka waa u siman yahay. Jidka la dhiso, dugsiga la bineeyo, ceelka la qodo, shaqaalaha mushaharka loo kordhiyo, cisbitaalka la dhiso, garoomada ciyaaraha, iyo madaarada  midna reer ma leh. Waa mid loo siman yahay.
Waxaan bogaadin u dirayaa dadweynah Soomaaliland meel ay joogaanba, dawlad iyo mucaarad, yar iyo weynba, gudo iyo debedba. Si gaar ah waxaan u hambalyeenayaa Madaxweynha Soomaaliland Axmed Maxamed iyo ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Guurtida, Wakiilada, La-taliyaasha Madaxweynha, Ciidanka Qaranka booliis iyo Militariba, Hoggaamada Xisbiyada, iyo xisbiyahanka dhabta ah. Waxaan leeyahay meel fiican ayeynu maraynaa, inta dhimman waa is faham iyo isla jaan qaad iyo dulqaad leysu yeesho, cadowga oo leyska jiro iyo danta guud oo loo wado guntado, iyo Illaahay oo la mahad iyo nabadda aynu ku suganay oonu wado ilaalino.
DHAMMAAN KU CIIDA NABAD, CAAFIMAAD, WANAAG IYO FARXAD.
SOOMALILAND HA NOOLAATO
Guul iyo Mahad Allah
Ahmed Hassan Arwo
LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA JSL
DHAQAALAHA, GANACSIGA IYO MAALGASHIGA

Leave a Reply