Xukuumadda Oo Muddeysay Wada-hadal ay La Yeelanayso Xisbiyadda Mucaaridka Ah

0
502

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku dhawaaqay in xisbiyada mucaaridka ah ay u fidinayaan gogol wada-hadal ah oo lagaga arrinsan doono cabashada ay mucaaridku  ka muujiyeen muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda  iyo Golaha Wakiiladda.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu  sheegay in labaatanka bisha May, ee sannadkan 2015-ka ay u cayimeen maalinta ay wada tashiga la yeelan doonaan xisbiyada mucaaradka, isla markaana ay iyagu gudahooda dhammeysanayaan wixii khilaaf ah ee jira.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kale oo uu  sheegay in beesha caalamka oo ay kulan la yeesheen, isla markaana ay u sheegeen in aanay soo faro-galin arrimaha dhexdoodda, waxa kasta oo jirana ay dhexdoodda dhamaysanayaan.
“Ummadd ahaan marka aynu nahay reer Somaliland waxa innoo caado ah mar walba in khilaafkeenna aynu dhamaysano, waxaanan halkan ka iclaaminayaa  in khilaafkaa siyaasiga ah ee ka abuurmay doorashooyinka iyo muddo kordhinta aniga oo ku hadlaya afkii Xukuumadda iyo afkii Xisbiga tallada haya ee KULMIYE in aannu fidinayno gogol wada hadal markaynu ka gudubno u dabaal dega sanad guuradeena 24-aad ee dib ula soo noqoshadii xornimada Somaliland oo ku beegan 18 bishan May , waxaan halkan ka cadaynayaa oo ummadda reer Somaliland u sheegaynaa iyo Xisbiyada qaranka in aanu fidinayno gogol wada hadal ah oo ka dhashay khilaafka siyaasiga ah diyaarna u nahay in aanu ka wada hadalno, iyadda oo aad ogtihiin in Guurtidu ay tahay hay’adda dalka ugu saraysa oo sida Dastuurkeennu dhigayana go’aanka ay gaadhaan uu yahay mid iyaga ay leeyihiin oo go’aan ay cid kala tashanayaan, go’aan ay Xukuumadda kala tashanayaan aanu ahayn iyo mid ay Xisbiyada kala tashanayaan aanu ahayn, laakiinse haddana tallooyinka meesha ka dhashay ay ahaayeen,”auuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
 
Md. Cabdiraxmaan Saylici  waxa kale oo uu intaa ku daray “Mar walba iyada oo isku ujeedo loo wada socdo ay Komishanka doorashooyinkuna wakhti soo jeediyeen, Xisbiyada qarankuna ay wakhti soo jeediyeen iyaguna (Guurtida) ay go’aanka kama dambaysta ah lahaayeen oo ay wakhti soo jeediyeen oo wakhtigaasuna aanu ka fogayn kii ay soo jeediyeen Xisbiyada qaranku. Sidaa darteed haddii khilaaf dhashay anagu waxaanu diyaar u nahay in 20 bisha marka ay inaga dhamaadaan labada maalmood ee dabaaldega 18 May oo ku beegan Arbaca in aanu Xisbiyada qaranka wadahadal u furi doono.”
Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaa ku daray  “Siday Doorasho u dhaci lahayd marna annagu kamaanaan war-wareegin, doorashadda aynu rabnayna waxay ahayd doorasho qarankan aan dhib u keenin oo doorasho xor ah oo xalaal ah oo la helo doorasho si cadaalada ah codka loo dhiibto oo la helo in marka hore la xaqiijiyo Muwaadiniinta, marka labaadna la xaqiijiyo Diwaangelintii codbixinta, imikana dib u dhacaasi waa mid farsamo ku yimid oo iyada oo maanta saacadaa aynu joogno aanay bilaabmin Diwaangelintii codbixintu, balse kii Muwaadinku uu bilaabmay  oo aan is leeyahay 50% in ka badani ay Somaliland maanta gacanta ku haysato, markaa talladda lamaanu cararayn oo waanu ka wadahadlaynay Xisbiyada iyo qaadhaanbixiyayaasha doorashooyinka, markaa kolba sidii loo jabo ayaa dhitiyaaye, beesha caalamkana waanu uga mahadnaqaynaa wadashaqaynta ay nagula shaqayso hawsha doorashooyinka haddana duruufaha noo gaarka ah anagaa cid walba ka og. Waxaanan u sheegaynaa in hawlahayaga anagu aanu dhamaysanayno oo ay dibada ka joogaan.”
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in Dastuurka qaranka uu jidaynayo in la sameeyo Muddaharaad salmi ah, balse bulshadu aanay u bislaanin hanaanka loo sameeyo Muddaharaadada oo dhibaato  amni darro ay ka dhalan karto, waxaanu yidhi “Sida Datsuurkeennu dhigayo Muddaharaad salmi ah waa la samayn karaa sharciyan wey qoran tahay, laakiinse ummaddeenna iyo halka aynu joogno uma bislaanin weli oo sida dunida horumartay oo hadday kumanaan qof soo baxaan ay halkaa dareen ku marayaan oo wax dhibaato ah geysanayn maaha, cabsi aynu ka qabno nabadgelyadeena darteed ayuun baa loogu diidayaa, laakiinse waxa dhibaato oo kale ma jirto, 50 qof oo Golaha dhexe ee WADDANI ka mid ahi hadday halkaa marayaan oo ay dareen muujinayaan.”
Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaana la yidhi wixii Umusha u dan ah ayaa Ilmahana u dan ah, annagu nabadgelyada dalka ayaanu uga dan leenahay in aanu khal-khal innaga gelin, laakiinse ujeedo gaar ah oo laga leeyahay ma jirto. Wadatashigu waa kii socday markii Komishanku tallo soo jeediyay ka dib saddexda Xisbi qaran wey yeeleen, wey tashadeen waxay yidhaahdeen waar muddada sannadka ah suurtogal ma ku noqonaysaa doorasho, labadaa doorasho ee isa saaran, Diwaangelinta culayskeeda leh oo inagu cusub oo nidaam cusub ah, dalkeena oo aynu ognahay ma ku qabsoomaysaa?.”
“Waxa lagu wada qancay in sannadkaasi cidhiidhi yahay oo waxay ku heshiiyeen iyadda oo markii dambe Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ka baxay oo aanay meesha ku jirin, laakiinse waxay ku wada heshiiyeen saddexda xisbi qaran in sannadkaasi cidhiidh ay tahay ku qabashada labdaa doorasho ee culayskeeda leh ee isa saaran iyo Diwaangelinta oo iyadu ah nidaam cusub, hadday ku heshiiyeen in bisha November, shan iyo tobankeeda ay ku haboon tahay in mar labaad aanay dhibaato dhicin oo aan loo laba jeer kicin, dabadeena Guurtida oo ah hay’addii ugu saraysay ayay hawshii u wareegtay,” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, waxaanu intaa ku dartay “Hadday hawshii Guurtida u wareegtayna halkii ay saddexda Xisbi qaran ku heshiiyeen afar bilood oo keliya ayay bay dhaafisay, taasina duruufaha ay eegeen iyo waxa ay ku fikireen wax iyaga u gaar ah bay ahayd, wax na khuseeya maaha, wax Xukuumadda ahaan anagu aanu ku talinay maaha oo mar walba anagu waxaanu tixgelinaynaa wixii Komishanku soo jeediyo, Madaxweynuhuna warqada uu qoray waxa ku qornayd in iyaga oo ku salaynaya soo jeeidnta Komishanka inay muddo xileedka u kordhiyaan Xukuumadda markaa mar hadday hay’addii u saraysay ay go’aan soo saartay haddii khilaafka ka dhasha taas ayaanu gogosha u dhigaynaa, iyadda oo go’aanka Guurtidu meel yaalo oo mid inaga wada sareeya uu yahay. ”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply