Aadan Baradho Oo Hadlay Saamaynta Dhaqaale Ee Dagaalka Yeman ku yeeshay Somaliland

0
415

Hargeysa(Dawan):- Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo ka mid ah ganacsatada waawayn ee dalka Somaliland ee waxna soo dejisa waxna dhoofisa,ayaa sheegay in saamayn dhaqaale oo aad u weyn uu ku keenayo dagaalka ka socda dalka Yemen.
Waxaa kale  oo uu intaa ku daray bulshada reer Somaliland-na u soo jeediyay in ay gurmad u fidiyaan qaxootiga  ka soo qaxay dalka Yemen.
Ganacsade Aadan Baradho oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan,ayaa ugu horrayn isagoo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay dagaalka Yemen iyo saamaynta uu ku yeeshay Ganacsiga Somaliland,ayaa  yidhi. “Horta dalka Yeman waa dal aynu taariikh badan wadaagno oo aynu xidhiidh soo jireen ah leenahay  gaar ahaan dadka reer Somaliland iyo dadka reer Yeman waa laba dad oo walaalo ah oo xataa waxaynu ka ahayn dadkeenna reer Somaliland muwaadiniin Yeman oo xidhiidhkeennu wuxuu soo taxnaa muddo qarniyo ah, markaa maanta dagaalka ka socdaa wuxuu innagu keenayaa saamayn dhaqaale oo waxaa innaga dhexeeyay xidhiidh dhow oo ganacsi waxay innaga qaadan jireen xoolaha Adhiga iyo Lo’da oo waliba Lo’da ayaa aad   u badnayd taasina imika way joogsatay waxaa kale oo innooga iman jiray dhanka dalka Yeman ganacsi bagaash u badan oo aad u faro badan oo dalkanna ay ka soo geli jirtay cashuur, ganacsi isu socodk olabada dal wada leeyihiin oo weyn ayaa istaagay,  markaa saamayn weyn oo dhaqaale wuu innagu yeelanayaa waxaa kale oo uu innagu yeelanayaa saamayn ammaan oo marka dal aad daris tihiin dagaal ka dhaco  colaadiisu way ku saamaynaysaa.”
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida  xoolaha dhoofkoodu u socdo xilligan  waxaannu yidhi. “Xoolaha dhoofkoodu wuu socdaa oo dalalka Sucuudiga,Cumman iyo Imaaraadkaba way tagaan ganacsiga xoolaha ee Yeman iska taagay mooyaane saamayn kale kuma laha dhoofka xoolaha dagaalka Yeman ka socdaa laakiin si kale ayuu saamayn innoogu leeyahay oo dee qaxooti ayaa innagaga soo qaxay dadkeenna reer Somaliland-na waynu naqaanaa qaxooti waxaa uu yahay oo waynu qaxnay markaa waxaan bulshada reer Somaliland u soo jeedinayaa dadkaa qaxootiga ah ee ka soo qaxay colaadda ka taagan dalka Yeman aynu u gurmano oo aynu gargaar u fidino dawladda oo kaliyana yaynaan ku hallayn.waxyaabaha ugu fudud ee saamaynta dagaalka Yeman inagu keenay waxaa ka mid ah socdaalkii dhanka diyaaradaha oo todobaadkan oo aan Dubai  ka imi waxaan soo socday 6 saacadood oo dhow dhow, halka markii hore aanu  la soo socon jiray laba saacadood iyo wax yar. Waxaa kale, kollay dagaalka agtaada ka dhacaa saamayn amni  ayuu kugu yeelan  karaa  taana waa in aynu taxadirkeeda lahaannaa.”.

Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply