‘Waxaanu Diyaarinay Shuruucdii Ganacsiga iyo Maal-gashiga la Xidhiidhay’ Wasiir Qaasim

0
385

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim ayaa ka war-bixiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradiisa muddadii uu xilka hayay, iyo waxyaabaha u qorshaysan mustaqbalka ee ay hiigsanayaan wasaarad ahaan.
 
Dr. Muuse Qaasim waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo u siiyay koox weriyeyaal ah oo ka socday warbaahinta qaranka oo diyaarinayay barnaamij ku wajahan munaasibadda 18-ka May iyo waxqabadka u hirgalay wasaaradaha dalka.
 
“Wasaarada markii aan xilka la wareegay waxaa ay ku  jirtay guri kiro ah Alxamadulilaahi imika waxa ay ku jiraa xaruntii wasaarada ganacsiga oo dib u dhis lagu sameeyay oo run ahaan aad loo qurxiyay, markaan intaa dib u dhiska dhaafo, waxaa si fiican nooga hirgalay shirarkii joogtada ahaa ee ay wasaarada ganacsigu gudoomiso ee ay mar walba yeeshaan wasaarada iyo dhammaan hay’adaha ka shaqeeya dhaqaalaha,”ayuu yidhi Wasiirku.
 
Dr. Muuse Qaasim waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxa kale oo sannadkan la qaabeeyay habka horumarinta adeegyada deegaanada uu ganacsigeenu ku shaqeeyo, ganacsiga waxa kale oo inta aanu sanadkani dhammaan haddii ALLE yidhaahdo  hir-gelin doonaa waxa loo yaqaan E government ama diiwaangelinta ganacsiga oo qofku isagoo oo xafiiskiisa ama dalka dibadiisa iyo gudaha kuu doono ha joogee inuu ganacsigiisa diiwaangashan karo oo wasaarada la soo xidhiidhi kara, markaa qorshaha ayay noogu jirtaa in aanu dhawaan hirgalino shaqadiisana nidaamkaasi intii badnayd waana dhamaynay.”
 
“Waxa kale oo la dhameeyay xafiiska diiwaangelinta ganacsiga oo halkii uu qofku mari jiray xeer ilaalinta, booliska mar dhakhtarka iyo wasaarada oo goob qudha ka wada helo xafiiskaasi oo wasaarada ganacsiga Insha Allaa dhawaan ayaa  la hirgalin doonaa oo la furayaa. Waxa kale oo wasaarada ganacsiga u  hirgalay shuruuc badan oo dalka looga baahan yahay, waxa dib u habayn lagu sameeyay sharciga maalgashiga heer caalami. Waxa kale oo imika la sameeyay sharciga maalgashiga muwaadiniinta, waxa kale oo la sameeyay sharciga hagaha maalgashiga ama ilaaliyaha maalgashiga dalka, shuruucdaasi waxa ay ku qoran yihiin Af Soomaali iyo English.” ayuu yidhi wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah  Dr. Muuse Qaasim, waxaanu inta ku daray “Gaar ahaan buuga hagaha maalgashiga oo dadka tusi doona meelaha la maalgashan karo waxa kale oo imika golaha wakiilada yaalla sharciga Kambaniyada haddii shuruucdaasi noo dhamaato Insha Allaa waxaa inoo hirgali doona  ujeedooyinka qarankan leeyahay oo ah in uu dalkani noqdo dal horumarisan,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
 
Wasiirka Ganacsiga  Somaliland Dr. Muuse Qaasim ayaa ka hadlay saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo dagaalka imika  ka socda dalka Yaman iyo sida ay Somaliland uga dabaalan karto iyo xaga ay uga Guuri karto, saamayntaas waxaanu yidhi “Waa run oo dalkan Somaliland saamayn wuu ku leeyahay haddii aad Togwajaale imika joogto waxaad dareemaysaa in ay lo’dii Yaman tagi jirtay istaagtay, seylada ugu weyn ee lo’daasi waxa ay ahayd dalka Yaman ee imika dagaaladu ka socdaan, inta arrintaasi saylad kale loo helaayo way  jiraysaa saamayntu, waxaan imika hawshaasi ku wada jira  Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Ganacsatadeena oo seylado kale raadinaya Insha Allaa waxa dhawaan filayaa suuqyo kale oo cusubna la heli doono saamaynta arrintaasina soo afjarmi doonto.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply