Guddida Qabanqaabada 18 May Oo Bulshada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Ilaaliyaan Amniga

0
399

Hargeysa (Dawan)  Guddida  qaban-qabaada  heer  qaran ee munaasibada  Sannad Guuradii 24-aad ee 18-ka May, ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland,kuna dardaaray inay nabadgaliyadooda ilaashadaan, inta lagu gudo jiro dabaal-dega maalinta qarannimada iyo madax-banaanida Somaliland.
 
Guddida qaban-qaabada xuska 18-ka May, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, waxa kale oo ay qurba-joogta reer Somaliland u soo jeediyeen in ay beesha caalamka iyo bulshooyinka wadamada ay ku nool yihiin ay u muujiyaan qarannimada Somaliland, una gudbiyaan waraaqo iyo  qoraal xambaarsan  qadiyadda Somaliland iyo siday uga go’an tahay shacbiga Somaliland.
 
Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland  Cali Maxamad Waran-cade oo isagu ugu horreyn madashaas ka hadlay ayaa sheegay inaan maalintan qaranimada Somaliland ee 18-ka May aanay aheyn mid dhayal ku timid, laakiin ay tahay mid ku timid rabitaanka shacabka Somaliland, waxaannu yidhi “Diyaar garowga ama muujinta iyo weynaynta maalintani waxa ay ka turjumaysaa inay ku timid  rabitaanka bulshada reer Somaliland, amase sida ay uga go’an tahay in dalkoodu mar labaad la soo noqdo xoriyadii ay 60-kii qaateen kana qaateen dawladii boqortooyada Ingiriiska.”
 
Mudane Cali Maxamed Waran-cadde waxa kale oo uu intaa ku daray “Munaasibadani waxay muujinaysaa oo ay caalamka u muujinaysaa dabaal-daga aynu ku jirno iyo diyaargarowga in caalamku ogaado oo uu arko sida aynu diyaarka ugu nahay gobanimadeena iyo xoriyadeenna ,waxay muujinaysaa inaynu diyaar u nahay inaynu ka mid noqono caalamka, waxaa ay muujinaysaa sida aynu ugu kalsoon nahay ama aynu ugu qanacsan nahay una mutaysanay inaynu wadamada caalamka ka mid noqono .”
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland, waxa kale u baaq u diray qurbajoogta reer Somaliland isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan jaaliyadaha dibada jooga aan leeyahay beesha caalamka u muujiya  qaranimada Somaliland, una gudbiya waraaqo qoraalo ,dawladaha aad la nooshihiin amase aad jinsiyadooda heysataan u muujiya sida ay idiinka go’an tahay, inay Somaliland tahay dawlad madax banaan oo dib uga noqotay midawgii Soomaaliya ee lagu khasaarey ee lagu hoogay wixii ka dambeeyay 1960-kii, kana horeeyay 1991-kii .”
 
“Waxaan bulshada reer Somaliland halkan uga soo jeedinaya, khaasatan dadka gudaha inay indhahoodu furaadaan, in qalbigoodu furnaado, in iyaga oo dabaal dagaya hareerahoodana ay eegaan si ay u ilaashadaan nabad galiyadooda, cadaw badan iyo  xasad badan ayaynu leenahay, in cadawgaa aad ilaalisaan oo ka feejignaataan si nabadgaliyada aynu heysanaa ay gaar inoogu noqoto,” ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde, waxaannu intaas ku kabay “Waxaanan Somaliland leeyahay Dalkayga Somaliland Doodi Kama Taagna ,waxanan rajeynaynaa sanadkan sanadkiisa inaynu ku ciidno innaga oo madax-banaanideenna u helay aqoonsi caalami ah, waxaanan bulshada reer  Somaliland inta gudaha joogta aan leeyahay wixii ay ugu tallo galeen ciidanku in lagu ilaaliyo nabadgaliyada ,inaanay shacabka reer Somaliland u arkin khalad ee ay u arkaan uun wax nabad galiyadooda lagu ilaalinaayo iyaguna ay ka qayb qaataan ,baabuurtana galinka hore waa la joojin doona dadkuna sidaas ha u  ogaadaan.”
 
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, ayaa iyaduna halkaasi ka hadashay  waxaanay  hambalyo salka ku heysa maalintan qiimaha leh ee 18ka May u dirtay shacabka Somaliland gudo iyo dibadba, maadaama  ay tahay sanad-guuradi 24-aad oo tacab faro badan ummadani ay u soo gashay.
“Qaranimadan iyo madax banaanidan Somaliland ay maanta haysataa maaha mid uu siyaasi keenay, mana aha mid ay cid kale keentay, waxa ay ku timid rabitaanka shacabka Somaliland, kana turjumaysa saxariirkii ay soo mareen ee ay midowgii Soomaaliya laga dhaxlay,taasaana keentay, cid ku gorgortami kartaana aanay jirin,ilmaha tagooga ku jira ee aan wali dhalan ayaa waxaa ay himiladiisu tahay inay Somaliland gaar u taagnaato oo dal caalamka ka tirsan ay noqoto,”ayay tidhi Marwo Shugri.
 
Dhanka  kale waxay marwo Shukri Xariir Ismaaciil waxa kale oo ay ugu bushaareysay dadka gudaha  jooga iyo kuwa dibada joogaba inay warbaahinta Somaliland ay u diyaariyeen barnaamijyo taya leh oo ka turjumaya qiimaha maalintani ay leedahay iyada oo arintaas ka hadlaysayna waxa ay tidhi “Waxaan guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland gudo iyo dibadba aan idiinku bushareynayaa in warbaahinta Somaliland ta madaxa banaan iyo ta dawladuba maanta inay ka go’an tahay in ay barnaamijyo wax tarleh, qoraalo manaafacaad leh ,muuqaalo ka turjumaya jiritaanka qaranimada Somaliland, habka dabaal dagu u dhacay inay soo gudbiyaan wariyayaasha wasaarada warfaafinta iyo wariyayaasha kale ee madaxa banaaniba si hagar la’aan ah ayay xuskan uga wada shaqaynayaan.”
 
Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)  ayaa isaguna madashaasi ka hadlay waxaanu bulshada  u soo jeediyay inay nabadgaliyadooda ilaashadaan indhahooduna la shaqeeyaan dadka garabkooda  taagan ee nabadgaliyada khalkhalka galin kara.
“Waxaan Maayarrada  wadanka jooga ee aan Guddoomiyaha  u ahay aan u soo jeedinaya inay si taxadar leh idinkoo ugu diyaara hawshiinana qabanaya ,ta amnigana qabanaya haloo diyaar garoobo oo si fiican ha looga wada qayb qaato xuska maalintan 18ka May,  waxaanan leeyahay Dalkayga Somaliland Doodi Kama Fura,”ayuu yidhi Maayarka Caasimaddu.
 
Sidoo kale waxaa isaguna madashaas ka hadlay  Cabdilaahi Ismaaciil (Geel-jire) kana mida gudida qaban qaabada xuska 18-Ka –May waxaanu yidhi “Markii aynu ciidamadeenna iyo cududeenna soo bandhignay laba kalmadood baa ka soo baxay Soomaaliya inta aynu xusuusanahay ,mid waxaa ay yidhaaheen waa caadifiyiin oo caadifad baa ka muuqata ,midna waxa ay yidhaaheen Itoobiyaan ayaa maraysa ee maaha ciidamadii Somaliland, markaa waxa aynu tusaynaa marka aynu dabaal dagayno oo mar walba aynu ka jawaabaynaa inaynu innagu  kaligeen ciidamada la mooday kuwii Itoobiya inaynu muujino cududooda.”
By: Khadar M. Xaahi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply