Wasiir Xirsi oo Ka Hadlay Natiijadda Kulamo ay La Yeesheen Shirkado Danaynaya Maal-gashiga Marsadda Berbera

0
646

Hargeysa (Dawan) –  Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan ee dalka Imaaraadka carabta u tagay sidii ay kulamo ula  yeelan lahaayeen shirkada Shirkada DP World oo  danaynaysa inay maalgashato Dekeda Berbera, ayaa shalay dalka ku soo laabtay, waxaana Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo dadweyne kale.
 
 
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi  Cali X. Xasan oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka ayaa sheegay in masuuliyiinta Shirkada DP World ee dalka Imaaraadku ay u muujiyeen rabitaankooda ah  inay maalgashi ku sameeyaan dalka iyo Dekeda Berbera.  “Waanu la kulanay Shirkadihii  aanu u tagnay iyo cid ka mid ah dawlada Imaaraadka oo qaabilsanayd Dekedaha, hay’addaha ay khusaysay ee aanu la kulanay haddii ay yihiin kuwii dawladda iyo ganacsatada waxaannu kala kulanay soo dhaweyn iyo inay danaynayaan Dekeda Berbera iyo inay dalkeenna maal-gashadaan annaguna waanu soo dhaweynay, waxaan rajaynayaa INSHA ALLAAH inay dalka yimaadaan oo wada hadalkii iyo waxaanu is weydaarsanaynay sii socoto, laakiinse illaa hadda wax heshiisa iyo go’aan ah midna lama gaadhin. Arrintani  waa maslaxad caam  ah oo qaranku leeyahay oo wax maalin  iyo laba toona ku dhamaanaya maaha, wax qof keliya ka go’aan qaadanayo maaha waa wax u baahan wada hadal iyo muddo in aynu eegno oo dacal walba ka eegno. Waxaanu ka eegi doonaa markay soo dhamaato ama wada hadal soo dhawaado oo waxa laga eegi doonaa dacalada ay u baahan tahay oo dhan haddii ay tahay xaga sharciga, haddii ay dad aqoon u leh iyo xaga Injineerada intaba.
marka hore waxaas oo dhan waxa ka horeeya maal-gashi suurto gal ah oo dalkeenna u cuntama ma jiraa mise ma jiro oo cid afka ka danaynaysa mise waa ka dhab, waxay noogu muuqatay ilaa hadda dareenka aanu ka hayno inuu yahay dareen fiican oo soo jiidasho leh oo ay danaynayaan inay dalkeenna maalgashadaan oo Dekeda oo keliya maahe inay maalgashi balaadhan inay sameeyaan,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
 
 
 
Wasiir Xirsi waxa kale oo uu sheegay inay Xukuumadd ahaan ka go’an tahay sidii ay Dekeda Berbera ay u noqon lahayd mid la tartanta Dekedaha caalamka, waxaanu yidhi “DP World waxay noqotay Shirkad dad badani wada leeyihiin oo ka dhaxaysa balse ah Shirkad ay dawladu khaas u leedahay oo ay doonayso inay ku maalgeliso weeyaan,. Sidoo kale Ninka Sultan Bin Sulayem la yidhaahdo ee u qaabilsan  Imaaraadka Dekedaha, Kastamada iyo maalgashiga noocaas ah ayaanu isagana kulan la yeelanay oo dawlada Imaaraadka ka socday, isaguna si wanaagsan buu uga dhawaajiyay dareenkii iyo damicii ay u lahaayeen inay dalkeenna maalgashadaan.  annaguna wixii aragtiyada ah waanu u gudbinay oo sidaan horeba u sheegay waxaanu is weydaarsan doona a oo in aynu isla helno iyo in aynu isla weynaaba suurto gal tahay baahidooda iyo baahideenna, iyaguna dan bay leeyihiin innaguna dan baynu leenahay, danta aynu leenahayna waa in aynu dalkeenna maalgelino oo Dekedeennu noqoto mid caalami ah oo la tartanta Dekedaha caalamka iyo kuwa  Geeska.”
 
 
 
Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan waxa uu intaas ku daray “Sidan horeba u sheegnay inta aynu maanta isticmaalno in toban laabkeed  in leeg in  la isticmaalo baa loo baahan yahay. baahiyaheenna waxaan ka xusi karaa hadda Dekedeenu waa Deked kooban oo 600 Mitir ah, waxaynu ka fikiraynaa 600 oo kale ama in ka badan in lagu daro oo Terminaalo u gaar ah oo Koontiinarada laga soo dejiyo ay yeelato, inay yeelato kuwo Xoolaha laga dhoofiyo,  inay yeelato qaar Balka marka aynu soo iibsanayno ama iibinayno oo waxyaabaha iyaga oo duuban hal mar laga gudbin karo sida Sonkorta oo kale aan ku jirin bacadaheedii oo lagu shubi karo oo nooc Booyad oo kale ah Maraakiibtu u sido hadhow la xidhxidho iyo sidoo kale haddii ALLE inoo suuto geliyo Saliid meel laga soo dejiyo in lagana  dhoofiyo ay yeelato. Markaa waxaynu ka firkiryaa wax balaadhan oo qiimo badan oo suurto geliya hadday tahay in dalkeenna  iyo dadkeenna halka ay maanta joogaan meel ka fiican ay gaadhsiiso.”

By. Khaalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply