Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Wada Tashiga Asxaabta Qaranku Wada Yeelanayaan

0
406

Hargeysa(Dawan):- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge(Jaamac Shabeel),ayaa ka war bixiyay wada tashiga ay wada yeelanayaan asxaabta qaranka iyo xukuumaddu waxaanu ku dooday  in wada tashiga la isugu imanayaa uu yahay mid lagaga wada tashanayo sidii loo dhamaystiri lahaa caqabadaha doorashooyinka  hor taagan ee  mar kale dib u dhigi kara.
Waxa  kale oo uu ka hadlay  sida ay lagama maarmaanka u tahay in  la iskaga yimaado  meelna la isula dhigi lahaa  saami qaybsiga gobolada ee  mudanayaasha wakiilada iyo  in dhammaan degmooyinka Somaliland ay helaan xuquuqda Mudaneyaasha wakiiladda.
 
Waxaa kale oo uu xisbiyada Mucaaridka ku eedeeyay in ay sabab  u yihiin muddo kordhinta oo aan mar qudha  dhankooda laga maqal aan ka wada tashano caqabadaha doorashooyinka hor yaalla isagoo intaa raaciyay haddii aan imika si qaran looga wada tashan in mar kale loo baahan doono muddo kordhinta golaha Guurtida.
Jaamac shabeel waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi  gaar ah oo uu shalay ku siiyay magaalada Hargeysa Wargeyska Dawan.ugu horrayn guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE oo aanu waydiinay dulucda wada tadhiga asxaabta qaranka iyo xukuumaddu isugu imanayaan,ayaa ku jawaabay.  “Horta tallada qaran ee Xukuumaddu ku baaqday ee ay asxaaba qaranka la yeelanaysaa waa mid lagaga wada tashanayo sidii loo dhamaystiri lahaa  caqabadaha iyo duruufaha ku xeeran doorashooyinka,waxaana lagama maarmaan ah in la isla garto sidii xal dhab ah loogu heli lahaa doorshooyinka isa saaran ee Wakiilada iyo Madaxtooyada taasoo ah mid wali  laalan oo aan xal loo hayn waxaana caqabada keenay  ee doorashooyinka dhibaato ku ah labada doorasho ee isa saaran labada doorasho ee mar la wada qabanayana waxaa ku gedaaman doorashada wakiilada oo xeerkeedii maqan yahay walina aan la samayn,  lagana wada hadal markaa arrimaha laga wada hadlayo ee asxaabta qaranka iypo xukuumaddu ka wada hadlayaan taasaa aasaas u ah waana tallo ka soo bilaabmaysa asxaabta qaranka iyo xukuumadda laakiin tallo qabeenka dalka oo dhan laga tallo gelinayo.”
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay in ay Xisbiyada mucaaridka, Xukuumadda iyo Xisbi xaakimka Somaliland ka wada hadlayaan muddo kordhinta Guurtidu samaysay ee ay mucaaridku ka  biyo diideen,ayaa ku jawaabay. “Waxaa laga wada hadlayaa maaha muddo kordhinta ay guurtidu samaysay  ee ah shanta bilood ah meeshana maba  taallo sabab looga wada hadlo muddo kordhinta haddii meesha laga saarana doorasho qabsoomaysaa ma jirto,oo  haddii maanta la yidhaahdo mudadaba waa la laalay ee doorashooyinka  hala qabto  doorashooyin qabsoomayaa ma jiraan sababtuna waxay tahay labada doorasho ee isa sudhan  ee la isla  doontay ee Guddoomiye Cirro isa sudhay kuna sii dheeraysnanayay kursiga uu ku fadhiyo.  laakiin waxaa laga wada hadlayaaa oo asxaabta qaranka,xukuumadda iyo  guud  ahaan qaranka Somaliland ka wada tashanayaan sidii loo soo dhammayn lahaa qabyada ka jirta sidii dalka doorashooyin  uga qabsoomi lahaayeen. Taasina waxaa kaliya ee ay ku suura galaysaa in tallo la isugu yimaado oo xeerkii mudanayaasha wakiilada  ku qaybsan lahaayeen gobolada iyo degmooyinku loo dhammaystiri lahaa isla markaaga dadka  gobolada Sool iyo Sanaag bari u heli lahaayeen xuquuqda iyo xaqa ay u leeyihiin in ay helaan mudanayaal ka mid ah aqalka Wakiilada oo iyaga metela laakiin maaha in dadkaa xaqooda la duudsiyo oo doorashooyin uun laga hadlo. iyadoo aan la dhammayn caqabadaha keenay dib u dhaca doorashooyinka.  Asxaabta mucaaridka ahina way ogyihiin haddii maanta la yidhaahdo aynu doorashooyinka galno in aanay qabsoomayn oo aan xeer la isku doortaba loo hayn.”
Mr. Jaamac Shabeel  oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay waxa ay xisbi ahaan xal u arkaan,ayaa yidhi. “Xalku wax la qarin karayo maaha, waxaa uu yahay  in si caqliyan ah loo waajaho xaaladaha  ku gedaaman doorashooyinka oo ah in  si qaran oo  loo wada dhan yahay  la isugu yimaado oo gobolada dalka laga tallo geliyo oo degmooyinka laga tallo galiyo oo xeerkii doorashada wakiilada  la soo dhamaystiro  oo ummadda Somaliland oo dhammi ay hesho xaqa ay u leedahay in ay doortaan  mudanayaal wakiilo oo metela waxaana jira deegaamo aan wali laga soo samayn xog rasmi ah oo u baahan in la tago oo la soo qiimeeyo dadka  reer Somaliland ee Sool iyo Sanaag bari xaqa Cirro leeyahay ayay leeyihiin waana in la helaa xal dhab ah oo ay ku helayaan mudayaashii wakiilada ee meteli lahaa oo aan cid uun loo yeedhin  ee waa inay doortaan mudanayaashoodii haddii aan taa la dhammayna imika sannad iyo toban bilood ayay mucaaridku ka hadlayaan ee waxaa iman doonta in mar labaad ay talladu gacanta u gali doontaa Guurtida oo muddo kordhin dambe laga wada hadli doonaa markaa waxaan leeyahay si murankaa looga baxo waa in imika si miyir qabta tallo qaran loogu waajahaa arrimaha doorashooyinka soo socda caqabada ku ah haddii kale doorashooyinna innoo qabsoomi maayaan muranna ka bixi mayno,annaguna KULMIYE iyo xukuumadba waxaanu diyaar u nahay saacad kasta oo caqabadahaa laga  gudbo in aanay doorasho dhankayaga ku baaqan.”

Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply