Injineer Baxsad ah oo Sheegay inuu is Dhiibayo

0
448

Ingineer ciidamada badda Britain, oo baxsad ahaa kaddib markii uu daabacay qoraal sheegaya in barnaamijka nukleerka Britain uu khatar ku jiro, ayaa BBC-da u sheegay inuu isu soo dhiibi doono booliska maalmaha soo socda.
Fariin uu u soo diray wariyaha BBC-da, William McNeilly, ayuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in waxa uu sameeyay ay tahay dan guud, uuna diyaar u yahay in loo xidho.
McNeilly ayaa warbixinta uu ku qoray bogga Wikileaks ku sheegay in ammaan daro buuxdo ay ka dhigeyso barnaamijka Nukleerka Britain ee loo yaqaan Trident, mid halis ugu jiro weeraro argagixiso.
Ciidamada badda ayaa sheegay inay gabi ahaan ka horjeedaan fakarka uu qabo engineerkaasi.
 

Leave a Reply