“Hargeysa Waa Magaallo Kaliya Oo Mar Bay Biyaha Iyo Horumarka Wada Helaysaa” Muuse Biixi

0
368

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in muranka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka ah ee ka dhashay muddo kordhinta inay iyagu dhexdooda dhamaysanayaan. Isagoo   rejo  ka muujiyay in aanay xalinta arrintaasi cid kale oo shisheeye ahi soo dhexgeli doonin, isla markaana haddii ay xisbiyaddu isku fahmi waayaan inay u soo gudbin doonaan xalinteeda culimadda dalka, ganacsatadda, iyo waxgaradka sidii marar horeba dhacday.

 

Muuse Biixi, ayaa tilmaamay in xisbiyadda Somaliland ay caado u tahay inay dhexdooda soo xalisan jireen waxyaabo tan maanta taagan ka waaweyn, isagoo  bulshadana u soo jeediyay aanay taasi ka wel-welin balse ay nabad ku seexdaan oo aanay ka cabsan dhibaato ku timaada.

Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad uu xadhiga kaga jaray xarun ganacsi oo laga hirgeliyay magaaladda Hargeysa, waxaanu ugu horayn shacabka reer Somaliland ujeediyay fariin la xidhiidha xuska 18-ka May.

 Waxaanu yidhi “Berito 18-kii May ayaynu xusaynaa, waynu u dabaal-degaynaa, cadawgeenana waynu ka  nixinaynaa, Somaliland-na way ku farxaysaa,  nabad baanay inoogu dhamaanaysaa Insha Allah.

Xanafta yar ee siyaasadeed ee beryahan jirta,  ee ah waa la kordhinayaa iyo la kordhin maayo, wax weyn ma aha.  weligeedba way ahaan jirtay, anagaana xalin doona haddii aanu nahay  xisbiyadda, haddii  ay naga  fogaato culimadda iyo ganacsatada ayaanu u yeedhanaynaa, waana intii aynu ku dhamayn jirnay.  anagaana idinka furaynaa, haddii ay idin soo gaadhana waad nala arki doontaan.  Qolo kale oo inoo  imanaysa iyo cid kale oo inagu soo gaadhaysa midna ma jirto, waxyaabo ka waaweyn ayaynu xalin jirnay, taana dadku ayaanay ka werwerin ee nabad ha ku seexdaan”.

Dhinaca kale Muuse Biixi, ayaa xafladaasi waxa uu ka jeediyay hadalo kafdan iyo hogotusaalayn isugu jiray oo dhinacyo badan taabanayay,  waxaanu sheegay in caadooyin iyo hab dhaqano cusub oo aan hore u jirin inay hadda  ka jiraan magaaladda  Hargeysa, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen kala qaybin iyo kala qoqob uu sheegay inay  beryahan danbe ka dhex socota magaaladda Hargeysa.

 isagoo xusay intaasi ay sabab u tahay jacaylka bani’aadamka ee dhinaca warbaahinta, iyo korodhka  qaybaha  kala duwan ee saxaafadda  madaxa-banaan oo sanadahan danbe ku  soo badanaya  dalka. “Dadka reer Hargeysa beryahan danbe caadooyin aan qurux badnayn ayaa ka soo baxay, Hargeysa,  waa magaallo qudha, laba Hargeysa ma jirto.  Hargeysa waa qof keliya, qofkana haddii far-yaro xanuunto wuu wada xanuunsadaa. in Hargeysa qolana ay biyo hesho, qolana ay biyo waydaa macquul ma noqonayso, Hargeysi  mar ayay biyo wada helaysaa, Hargeysi  mar ayay horumar wada helaysaa, Hargeysi wax la kala qaybiyo ma aha”ayuu yidhi Muuse Biixi.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Laakin imika waxaa soo baxay caadooyin cusub.  warbaahintuna way hawl badan yihiin  danbigooda Alle ha dhaafee, nin walba  Makarafoon iyo fiidyoow ayay u dhiibayaan, dadkuna wuu jecel yahay inuu is-daawado sidiisaba.  qofka bani’aadamka ahi, aroortii nin waliba marka uu tooso wuxuu isku eegaa muraayadda, berigii  hore  Hablaha oo qudha ayaa isku eegi jiray baa la yidhi, laakiin imika odayaasha aniga ila da’da ah ayaa ugu daran, midba midka uu ka weyn yahay, ilayn  Cirradda ayuu iska rifayaa, wuu yar madoobaynayaa, Taayga ayuu giijinayaa, markaa dadkii imika waxay heleen muraayad meel  walba laga daawanayo, oo waa in uu Tv-ga tagaa”.

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply