Maamulka Gobolka Maroodi Jeex Oo U Mahadnaqay Madaxweynaha

0
472

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Maroodi Jeex inay ilaaliyaan nabadgelyadda maadaama dalka laga xusayo 18 May oo ah maalintii dib ula soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Maxamed Maxamuud Jeeniyare oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xil iska saaray sidii meeqaam sare loogu xusi lahaa munaasibada qaran ee 18 May,  waxaana uu tilmaamay in uu madaxweynuhu garanayo maalintan iyo  qiimaha ay leedahay.
 
Maxamed Maxamuud Jeeniyare oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shacabka gobolka Maroodi Jeex waxaan u soo jeedinaynaa hambalyo sida fiican ee ay ugu diyaargaroobeen maalinta qiimaha badan ee 18 May oo bari (maanta) ku beegan, waxaan mahad u celinaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo culays saaray arrintan  oo uu  qiimaheeda garanaya oo leh halgankii iyo waayo aragnimadii, waxaan leeyahay Madaxweyne aad ayaad u mahadsan tahay.”
Mr. Jeeni-yare  waxa uu u  soo jeediyay shacabka gobolka Maroodi Jeex in ay ilaashadaan nabadgelyada, waxaana uu yidhi “Waxaan leeyahay shacabka gobolka Maroodi Jeex waa in aad ilaashataan nabadgelyada, ciidamada amaankana kala shaqaysaan, nidaamka dabaal-degu u dhacayo.”
 
Guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex waxa kale oo uu sheegay in uu uga mahadnaqayo cuqaasha sida ay ugala shaqeeyaan nabadgelyada, waxaana uu yidhi “Cuqaashu waxay ka mid yihiin  xukuumadda waxaanan uga mahadcelinaynaa cuqaasha sida qaranka ay ula shaqeeyaan ee nabadgalyadda uga qaybqaataan.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply