Jaamacadda Camuud Oo Shahaado Sharaf Guddoon Siiyay Maareeyaha Haamaha Shiidaalka

0
416

Berbera(Dawan):-Maamulka Jaamacada Camuud ee Magaalada Borama ayaa Shahaado dhinaca maamul wanaaga ah Gudoon siiyey Mareeyaha Haamaha Shidaalka ee Magaalada Berbera Saleebaan Siciid Cali,  ka dib markii ay Socdaalka ku yimaadeen Xarunta Haamaha Shidaalka ee Magaalada Berbera  iyo Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.
 
Mareeyaha Haamaha Saleebaan Siciid Cali,  ayaa si weyn ugu mahad-naqay Aradayda Jaamacada Camuud  ee socdaalka ku yimi Magaalo Xeebeda Berbera iyo Maamulka sare ee Jamacadaasi.
Mareeyuhu waxa uu si qoto dheer uga waramay wax-qabadka Haamaha ay ku talaabsadeen mudadii  uu xilka hayey, waxa Kale oo uu Mareeyuhu Ardayda uga waramay LAAP (Lap) Lagu Baadhi doono shidaalka oo laga hirgeliyey Berbera Iyo ahmiyada uu u leeyahay wadanka isagoo sheegay inay Xukuumada Somaliland si weyn ugu baahnayd laabkaasi.
Mareeyaha ayaa Xusay inuu Mashruucani ka mid yahay kuwo ugu waa weyn ee dalka laga hirgeliyey, isagoo intaasi ku daray inay ku baxday Lacag aad badani. Mareeyaha ayaa sheegay inuu Ardayda ka socoto Jaamacada Camuud si weyn u soo dhawaynayo.
 
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa isaguna Ardayda uga mahad-naqay socdaalka ay ku yimaadeen Magaalada Berbera sidoo Kalena sheegay inay Jaamacada Camuud ay ka mid tahay Jaamacadaha wadanka ee ay ka soo baxaan Ardayda ugu tayada fiican ee ka shaqeeya wadanka oo dhan.Gudoomiyaha ayaa warbixin ku saabsan ahmiyada Haamaha Iyo Dekada u leeyihiin wadanka Ardaydaasi siiyey.
Hormuudka Kuliyada Maamulka Maaraynta iyo Ganacsiga ee jamacada Camuud Cabdisamad Cigge ayaa isaguna halkaasi ka amaanay maamulka gobolka Saaxil iyo sida wada jirka ah ee ay qaranka ugu shaqeeyaan.
Waxa Kale oo uu sheegay inay u garteen Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Shahaado Maamul wanaaga ah ka dib Qiimayn ay Ku Sameeyeen Dhanka xisaab xidhka ah ee Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.
 
 
 
Guddoomiye Ku-xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee Jamacadaasi Prof. Maxamed Maxamuud Iyo Sidoo Kale Xubno Sare oo ka socday Jaamacada Cammuud ee Boorama ayaa iyaguna halkaasi kaga hadlay horumarka ay ku arkeen haamaha shiidaalka iyo marsadda Berbera.
 
Mareeyaha Haamaha Shidaalka ayaa qado sharaf ku maamusay Ardayda ka socotay Jaamacada Camuud qaybta Maamulka ee Jamacadaasi.
Ardayda ayaa sidoo kale Boqday Dekeda caalamiga ah ee Magalada Berbera iyagoo halkaasi warbixino la Xidhiidha dhoofka iyo Soo dejinta Dekeda ka dhegaysatay saraakiil ka tirsan Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply