Wadaniyad Abuuraysa Kalsooni

0
751

Damaca xun ee shaydaanku ku adeegto ayaa ah mid mar kasta is nacsiiya bulshada goob  iyo wadan kuwada nool. Waxaana muwaadinka kasta waa in ku dadaalo ilaalinta amaanka iyo badbaadada bulshadiisa.
 
Waxa kale oo ka mid inaan muwaadinku ku kicin hanjabaad iyo waxyaabo walaac dhalin kara kuwaasi oo is hortaaga horumarka guud. Qof kastana waxa laga rabaa inuu abuuro dareen kalgacal  oo uu u hayo bulshada inteeda kale kuwaasi oo la wadaagaya  wax kasta oo dalka gudihiisa ka dhacaya.
 
Kalsoonida ayaa ku dhisan in qof  kasta la jeclaado wax uu isagu doonayo kan walaalkii ah, taasi oo abuuraysa walaaltinimada iyo kalagacalka dhabta ah. Waxayna baabiisa danaysiga, keli wax isla doonka iyo inay bulashadu is nacdo. Waxaana wanaagasan in danaha guud lawada ilaashado. Iyadoo nidaamka hogaanka dalku u habaysan yahay qaab uu qof  kasta ka qayb qaadan karo oo ka fog keli telis iyo cadaadis. Waxa ugu qiimaha badan ee aan haysaa waa Iimaanka iyo xorriyadeena dawladnimo kaasi oo inooga baahan mahadnaq kana fog kibir iyo hafar.
Waana halku dhega ah  “I like to see a man proud of the place in which he lives” Abraham Lincolon “  “waxaan jecelahay inaan arko nin ku faana halka uu ku nool yahay”
Waana ay badan yihiin dunida xikmadaha sida ay uga hadleen wadaniyadda
“Men love their country, not because it is great, but because it is their own”
“Rag jecel delkooda, Maaha inuu weyn yahay, laakiin waa hanta u gaar ah” Inaad dal kale jeclaato macno ma samaynayso, xikamaddu waa kan hantidaada ah inaad ilaashato oo amaankiisa iyo horumarkiisa ku dadaasho. Wadaniyaddu waa sharaf “ Patriotism, the virtue of the vicious”.
 
 

Leave a Reply