Xuska 18.ka May Oo Saaka Si Wayn Looga Xusay Somaliland, Daawo Sawirada Hargeysa

0
355

Hargeysa(Dawan)- Guud Gobolada iyo magaalooyinka Somaliland ayaa saaka si wayn looga dabaal dega Xuska Maalinta Qaran ee 18-ka May oo ah markii Somaliland ku dhawaaqday Madaxbanaanideeda 1991, mudo hada laga joogo 24 sannadood, Bulsho waynta reer Somaliland ayay saaka muujinaayay sida ay uga go’antahay qadiyada dalkoodu.
Dadka ku dhaqan magaalooyinka iyo gobolada dalka ayaa iskugu soo baxay goobaha loo asteeyay iyadoo ilaa hadda aanay jirin wax dhib ah oo ka dhacay goobaha ay ka qabsoomeen munaasibaduhu.
Sidoo kale Bulshada Magaalada Hargeysa iyo Ciidamada kala duwan ee Somaliland, ayaa maanta socod gaardis ah ku maray jidka Halbawlaha ah ee Madaxtooyada Hor mara iyadoo Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee qarankuna ku sugnaayeen wajahadda hore ee Madaxtooyada.
Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb qaadanayay socodka iyagoo soo bandhigay waxyaabo indhaha soo jiidanaya oo lagu waynaynayo Xuska 18 May islamarkaana Calanka Somaliland ku gaashaaman. Ciidamada Somaliland, Uurrada bulshada,Shaqaalaha,Ardayda kala duwan ee dalka sida Jaamacaddaha iyo Iskuulada iyo bulsho kale oo tiro badan ayaa socod gaardis ah oo si nabadgalyo ah ku soo dhamaaday ku maray meellihii loo asteeyey.
2x 3x 4x 5x 7n 7s 8x 9x 11q 12h 12q 13 15 16 16v 17d 18x 19n 33 43 65 112x 221q 223 1123 1470138_771944926252696_1116560173981041963_n 11013238_771945022919353_486437276257540720_n 11140355_771944776252711_2106014444429064024_n 11205058_771944799586042_8919625454390607656_n 11246981_771944962919359_738799003769496191_n 11257195_771945139586008_3236815713837703109_n bbd1 www3
Sagal Abdurahmaan Ahmed
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply