Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashadda Oo Ka Hadlay Qorsheyaasha Wasaaradda iyo Wax-qabadkoodii Shantii Sanno Ee La Soo Dhaafay

0
325

Hargaysa (Dawan): Wasiir  ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland Md.  C/rashiid Ismaaciil  Kaahin, ayaa sheegay in wasaaradu ay wado qorshe la doonayo in wax lagaga qabanayo ardayda ka booday fasaladda waxbarashadda ee dugsiyadda dhexe iyo sare ee dalka.
Waxaanu sheegay in lagu hawlan yahay sidii dib loogu soo celin lahaa ardaydaasi, taasi oo baadhitaankeedda laga wado dhamaanba xarumaha waxbarashadda goboladda dalka iyo xarunta wasaaradda waxbarashadda.
 
Wasiir Ku xigeenku waxa uu sidaasi ka  sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay koox weriyeyaal ah oo ka socday warbaahinta dawladda oo si wada jir ah u sameeya barnaamij ku saabsan wax-qabadka muuqda ee xukuumadu ku  tallaabsatay  shantii sannadood ee ay taladda dalka haysay.
 
Qaybtana waxa uu wasiir ku xigeenku kaga  waramayaa  korodhka xagga miisaaniyadda ee wasaaradda waxbarashadda, iyo sidoo kale dhismeyaal loo dhisay xarumaha waxbarashadda ee goboladda dalka iyo arrimo kale.
 
Waxaanu  yidhi “Korodhka xagga miisaaniyadda marka la is-barbar dhigo halkii sanadkii 2010-kii iyo halka ay maanta marayso, waxay korodhay 82%, halkaana waxaa ka cad in aanu jirin wax dib u dhac ah oo ku yimid miisaaniyadda wasaaradda waxbarashadda mudaddaa  shanta sanadood ah.  xagga shaqaalaha markii xukuumadda Kulmiye talladda qabatay waxay ahayd 2707, maantana wuxuu marayaa 6357 guud ahaan. Markaa taasi waxay cadaynaysaa sida wasaaradu uga qayb qaadatay shaqo abuurka gaar ahaan dhallinyaradda Jaamacadaha ka soo qalinjabiyay, oo wasaaradda waxbarashadu ku taamayso in markii wax la baray hadana shaqo loo sameeyay.
 
ilaa shan iyo toban xarumood ayaa la dhisay waxaana ka mid ah xarunta waxbarashada gobolka Selel, gobolka Gabiley, Hawd, Oodweyne, dhismaha kuliyada daraasaadka Islaamiga ah oo ka tirsan Jaamacadda Hargeysa, dhismaha libarery-ga loo dhisay Jaamacadda Hargeysa.
 
Waxa  kale oo jira dhisme loo dhisay hoolka Jaamacadda Gabiley ee Tima cadde, dhisme loo dhisay Jaamacadda Camuud ee Boorama, dhismaha Jaamacadda Badhan, dhismaha Jaamacadda Berbera, dhismaha Jaamacadda Burco, dhismaha dugsiga sare ee Alaybaday,  qolka caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka oo laga dhisay cusbitaalka guud ee Hargeysa, dhismaha aadka u weyn oo laga dhisay xarunta wasaaradda waxbarashadda, kaasi oo laba dabaq ka kooban”.
 
Waxa kale oo uu sheegay wasiir ku xigeenku in wasaaradda waxbarashadu ay taageero dhaqaale ku caawisay  qaar ka mid ah shaqaalaheeda oo ay xaalad caafimaad darro la soo deristay, isla markaana qaarkood loo diray wadamo dibadda ah,kuwaasi oo uu sheegay in ay hada ka shaqeeyaan wasaaradda lana soo daaweeyay.
Isagoo sidoo kalena ka hadlay gawaadhi cusub oo ay wasaaraddu soo iibsatay, isla markaana laga  bixiyay lacagta lagu soo iibiyay miisaaniyadda wasaaradda waxbarashadda.
 
 
“Waxa kale oo wasaaradda waxbarashadu ay wax ka qabatay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo dhibaato caafimaad darro la soo gudboonaatay, kuwaasi oo gaadhaya ilaa 42 qof, oo taageero lacageed oo ay isku daaweyeen la siiyay iyadoo ay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba isku soo daweeyeen, maantana way shaqaynayaan qaarkood, oo way caafimaad qabaan.
 
Marka  aan ka hadalno xagga gaadiidka ay ku soconayaan hawlwadeenadda wasaaradda waxbarashadu, kuwaasi oo aanay la’aantood hawli suurtogelaynin, waayo dugsiyadda waxbarashadu meel walba way ku yaalaan, barri iyo galbeedba mid kastana in la dul tago ayaa loo baahan yahay, gawaadhida cusub ee ay wasaaradu soo iibsatay, ma aha kuwa ay hay’aduhu nagu caawiyeen, balse waa kuwa laga bixiyay miisaaniyadda wasaaradda waxbarashadda, waa 8 baabuur oo goboladda iyo degmooyinka loo iibiyay, oo kala ah laba Landcriuser iyo saddex surf iyo  3 Noah”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka waxbarashadu.
Sidoo  kale C/rashiid, waxa   uu ka waramay tiradda buugaagta la daabacay  dhawrkii sanadood ee u danbeeyay iyo qaybaha ay ka koobnaayeen. Waxaanu yidhi “Wasaaradda waxbarashadu waxay sanadkii  2012  daabacday buugaag, maadaama oo aanay ardaydu ka maarmi karin  buugaagta daabacan, kuwaasi oo ay tiradoodu ahaayd 71000 buug,  ayaa la daabacay.  laba qaybood ayay ahayd qaybtii hore, oo loo qaybiyay ardayda dugsiyada dhexe ee wadanka oo dhan, buugaagtaasi oo uu la socdo bug tusaha ah ee uu macalinku raacayay ah,  buugaagtaasi oo ka koobnaa lix maaddo oo ka mid ah kuwa ay dhigtaan ardayda dugsiyadda hoose.
 
Qaybta  labaad ee iyadna 2014-kii la daabacay waxay ahaayeen 164000, bug, buugaagta dugsiyadda sare ee la qaybiyay sanadkii 2014-kii, waxay dhamaayeen 10,224 buug, tiradda tababaradda macalimiinta ee lagu tabobaray habkii ay wax u dhigi lahaayeen waxay ahaayeen ilaa 200, oo tabobar, kuwaasi oo boqol ka mid ah loogu tallo-galay macalimiinta dugsiyadda dhexe iyo boqol macalimiinta dugsiyadda sare ah”.
 
Wasiir ku xigeenka waxbarashadu waxa  kale oo uu sheegay  in wasaaradda waxbarashadu iyadoo ka duulaysa sidii loo tayayn lahaa waxbarashadda, in sanadihii u danbeeyay ay   kormeereyaasha wasaaradu ay kormeer ku soo mareen dhamaanba goboladda dalka, min degmo, tuullo iyo xataa dhulka baadiyaha ah.
 
Iyagoo  adeegsanayay buugaag lagu tabobaray inay ka raacaan habka ay dugsiyadu u shaqeeyaan sida mamaulka,  qalabka  iyo tayadda macalimiinta, isla markaana ay   soo kormeereen 902 dugsi, kuwaasi oo wixii laga soo ururiyay laga soo saari doono buugaag, si wax looga qabto baahiyaah jira.
Waxa kale oo uu ka hadlay  C/rashiid Ismaaciil Kaahin, ardayda dugsiyadda hoose dhexe oo lacag la’aan laga dhigay markii ay xukunka qabatay xukuumadda Kulmiye, iyadoo ay hada ardayda dugsiyadda hoose iyo dhexe ee dalku bilaash tahay.
 
Waxaanu yidhi   “Markii ay talladda wadanka qabatay xukuumadan uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, talaabadani ugu horaysay ee ay qaaday, iyadoo eegaysa culayska ardaydeena ka haysta fee’-ga ay bixinayeen waxaa lacag la’aan looga dhigay ardayda dugsiyadda hoose dhexe, waxaanay  maanta ku dhigtaan bilaash, mushaharka macalimiintana waxaa bixisa dawladda”.
Mar uu ka hadlayay waxyaabaha u qorshaysan ama  hiigsiga wasaaradda, waxa uu yidhi “Waxyaabaha u qorshaysan wasaaradda waxbarashadda ee ay hiigsanayso waxaa ka mid ah in tayadda waxbarashadda ko rloo qaado sida kormeerka oo la badiyo macalimiinta oo tababar la siiyo, waxaana socda oo imika  lagu guddo jiraa ardaydii iyagu fasaladda ka booday tusaale ahaan iyagoo 7aad ah inta uu booday 8aad  fadhiistay, ama isagoo fasalka saddexaad ee sare ah inta uu booday fasalka afraad ee sare fadhiistay.
Ardaydaasi waxaa noo muuqata in wax ka dhiman yihiin waxbarashadiisii, marka ay wax ka maqan yihiin soo bixi maayo arday tayo leh oo uu dalku ka faa’iidaysto.  Sidaas darteed anagoo mas’uuliyadaasi ka duulayna waxaanu wadnaa in dhamaanba ardaydii booday la soo saaro, oo la ogaado, dhamaanba guddoomiyeyaasha waxbarashadda goboladda dalkuna way og yihiin.
 
Xarunta  dhexe iyo xafiiska imtixaanaadkana waa laga wadaa, taasina waa mid looga dan leeyahay tayaynta waxbarashadda, wasaaradda waxbarashadu iyadoo ka duulaysa qorshaha ah in marka uu ardaygu waxbarashadda dhamaysto uu shaqo  hello, waxay wasaaradu hiigsanaysaa inay xoojiso dugsiyadda farsamada gacanta oo aanu xoojino kuwii hore ee jiray, kuwo cusubna la furo haddii ay suurtogasho”.
Ugu danbayntii wasiir ku xigeenku waxa uu hambalyo u diray guud ahaanba shacabka Somaliland gaar ahaana shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda xuska munaasibadda 24 guuradda ka soo wareegtay gooni isku taaga Somaliland ee 18-ka May, waxaanu ugu baaqay inay si weyn uga qayb qaataan dabaal-dega 18-ka May, isla markaana ay dugsiyadda waxbarashadu ka dhex muuqdaan xuska maalintaasi.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office
 
 
 
 

Leave a Reply