Bulshada Reer Laascaanood Oo Shalay Si Wayn Uga Qayb Qaatay Munaasibada 18.ka May

0
601

Laascaanood(Dawan)- Shacabka ku dhaqan Magaalada Laascaanood, ayaa shalay u dabaal degay xuska sannad guurada 24-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee 18 May, waxaana fagaaraha magaalada Laascaanood shacabka kala hadlay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, maamulka gobolka iyo degmada,  Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood.
 
Dadweynaha reer Laascaanood ayaa waxa ay isugu soo baxeen fagaaraha wayn ee magaalada Laascaanood, iyadoo ay qayb waliba gaarkeeda isugu soo abaabushay sida ururada dhalinyarada, haweenka, Ciyaartoyda, ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada, shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee dallada, waxaana sidoo kale doorkooda ka qaatay cuqaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, kuwaasi oo dhamaantood ba muujinayey shucuurtooda wadaniyadeed iyo sida ay ugu faraxsan yihiin ka qayb qaadashada xuska maalintan maamuuska leh .
 
Dhinaca kale waxaa xuska maalintaa shacabwaynaha reer Laascaanood kala qaybqaatay wasiiru dawlaha nabadeynta iyo horumarinta gobolada bari  Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), maamulka gobolka ee heer degmo iyo heer gobol,  Guddoomiyaha xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe iyo, ciidamada qaranka, booliska iyo asluubta.
 
Waxaana dhoolatuska  ka dib fagaaraha wayn ee badhtamaha magaalada la isugu yimid madal loo sii agaasimay, waxayna shacabwaynuhu ku soo bandhigeen gabayo, heeso, buraanburo,  ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo khudbado ku aadan qiimaynta maalintaa milgada lahayd ee 18 ka may.
 
Badhasaabka Gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shidde oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyey shacabwaynaha reer Laascaanood sida ay u muujiyeen maalintaa xusida mudan isagoo sheegay in uu muddo saddex bilood ah uu joogay gobolkan isagoo xusay in uu laba arimood xoogga saaray kuwaas oo ah xoojinta nabadda iyo abuurista iskaa wax u qabso si uu gobolkani uga soo kabto dibudhicii hore ee uu tirsanayey waana ku guulaystay ayuu yidhi gudoomiyuhu.
 
Waxaa isaguna dhankiisa ka mahadnaqay maayorka degmada Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac isagoo sheegay in isaga iyo golihiisa deegaankuba ay uga mahadnaqayaan sida aad nooga ajiibteen una muujiseen maalintaa ku wayn shacabka Somaliland dadaalkayaga waajibaad ahaaneedna aad noo garab istaagteen.
 
Ugu Danbayn waxaa soo gunaanaday wasiiru dawlaha nabadaynta iyo horumarinta ee gobolada bari Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) isagoo sheegay in uu guure ku yimid magaalada Laascaanood, waxaanu yidhi “Xalay ayaan guure ku imi magaalada, saakana waxa ii muuqdaa ay tahay u bislaanta mamul si aad ahna waan idiinka mahadcelinayaa ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ah ,buraanburada , gabayada, khudbadaha qiimaha leh.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply