Magaalada Baligubadle Oo Shalay Looga Dabaal Dagay Xuska May

0
366

Baliguadle(Dawan)- Magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka hawd ayaa si weyn looga xusay maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May ,iyada oo ay xarunta gobolkaasi  ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyna ah oo  ku la bisan iskuna soo xardhay calanka Somaliland, waxaana dariiqyada socod gaardis ah ku maray ciidamada qalabka sida ee Somaliland.
 
Sidoo kale munaasibado waawayn oo lagu xusayo maalintan qarannimada Somaliland ee 18-ka  May, ayaa lagu qabtay degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka Hawd,  kuwaasi oo ay ka mid yihiin degmooyinka Sayla iyo Balicabane, iyo weliba tuulooyinka kale ee Cunaqabad, Baargoo, Laanta Qaloocan iyo Kurxinta.
 
Munaasibadan dabaaldega maalinta qarannimada Somaliland ee lagu qabtay magaalada Baligubadle waxaa dadwaynaha kala qayb galay Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed,  badhasaabka gobolka hawd , madaxda iyo maamulka dawladaha hoose ,dhalinyaro, cuqaal, waxgarad iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, iyada oo lagu soo waramayo inay xafladani ay aheyd mid guud ahaanba gobolkan nabadgaliyo ku soo dhamaatay
 
Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Mudane Sheekh Khaliil  Cabdillaahi Axmed oo ugu horrayn munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay maalintan xoriyada 18-ka May inaanay aheyn mid ku timid dhayal ee ay tahay mid ku timid dhiiga geesiyaashi Somaliland u huray naftooda iyo maalkooda waxaanu yidhi, isagoo arrimahaaska hadlaayana waxa uu yidhi “cidkastaaba maalinbay leedahay, maalintani waa maalin ku xardhan taariikhdeena ,waana markii madax banaanida dalkeenu inaga baxday ee inaga luntay ,dhab ahaana kama  sheekeyn karo wixii aan goob joog u ahaa hase ahaate taariikhdaa qoreysa ,oo halgankani halgan aad u qaaliya ayuu ahaa ,halgan daacada ayuu ahaa ,halgan dadkii ku soo halgamay ay ahaayeen dad naftooda ka run sheegay ayay ahaayeen.”
 
Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed waxa kale oo intaas ku daray in mujaahidiinti u nafwaayay ay ku kala aasan yihiin guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxaanu yidhi’ “min gobol ilaa degmo ,gobolka hawd mujaahidiin u dhalatay maanta waxa ay ku aasan yihiin Saylac ,waxaay ku aasan yihiin Maydh meel u dhaw waxay ku aasan yihiin xeebta dhereren, waxaanay ku aasan yihiin gobolada dalka Somaliland oo dhan ‘’
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply