Oodweyne Iyo Munaasiadii 18.ka May

0
397

Munaasibada xuska sannad guurada 24aad ee  qaraniamada Somaliland oo ku beegnayd maalinta 18 May ayaa waxa si aad u balaadhan looga xusay xarunta gobolka Daad-madheedh ee Oodweyneiyo iyo deegaanada hoos yimaada, sida Xaaji Saalax, Daba-gorayaale iyo degaano kale.
 
Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Oodweyne oo ay ka mid yihiin maamulka gobolka, xildhibaanada golaha deegaanka, cuqaasha, ardayda dugsiyada kala duwan iyo ururada bulshada ee ka dhisan degmadaas ayaa waxay socod damaashaad ah oo ay ku waynaynayeen maalinata qaranimada Somalailand ku soo mareen qaybo ka mida wadooyinka dhex mara magaalada Oodweyne.
 
Dadweynihii ayaa waxay isugu soo biyo shubteen fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Oodweyne, waxaana halkaas hadalo ka jeediyay maamulka gobolka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha dawlada ee ka hawl gala gobolkaas Daad-madheedh oo  dadweynaha kala qayb qaadanaayay xuska maamlintaas.
 
Gudoomiyaha gobolka Daad-madheedh Md. Cali Cawil oo hadal u jeediyay dadweynaha fagaarahaas ku sugnaa ayaa waxa uu sheegay in mudadii ay xukunka gacanta ku haysay xukumada dalka hadda ka talisaa ee uu hogaamiyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mashaariic badan oo harumarineed laga hir galiyay guud ahaan gobolka Daad-madheedh, waxaanuu yidhi “Intii ay dalka ka talinaysay xukumadan hada jirtaa waxa gobolka ka hirgalay mashaariic aad u badan oo taabanaya dhinacyada kala duwan ee horumarka bulshada. Taasina waxay ku suuro gashay hogaaminta fiican ee madaxweyne Axme Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).”
 
Sidoo kale gudoomiyuhu  waxa uu dadweynaha guud ahaan gobolka  ku ammaanay sida weyn ee ugu soo bexeen xuska maalinta qaranimada Somaliland, waxaanuu yidhi  “Waxaan aad iyo aad ammaan balaadhan ugu soo jeedinayaa dadweynaha ku nool guud ahaan gobolka Daad-madheed ee sida wayn ugu soo baxay maalinta qaranimada Somaliland oo 24 jirsatay.”
 
“Hadaanu nahay madaxda gobolka iyo dadweyaha oo gacan buuxda nagu siinaayay, waxaanu munaasibadan ugu talo galnay in aanu si aan kala hadh lahayn u waynayno oo aanu qiimeheeda siino xuska 18 may oo ah maalintii la soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soamaliland.” Ayuu yidhi mar uu gudoomiyuhu ka hadlaayay sida ay u soo qaban qaabiyeen xuska 18 ka May ee sannad guurada 24aad ee qaranimada Somaliland.
 
Maayarka magaalada Oodweyne Md. Cabdiraxiin Nuur Muuse ayaa waxa uu sheegay in dawlad hoose ahaan ay si wayn u xuseen maalinta 18 may, maayarku waxa shacabka ku bogaadiyay sida fiican ee ay uga qayb qaateen xuska 18 ka May, waxaanuu yidhi “Waxaan shacabka reer Oodweyne uga mahad celinayaa sida baaxada leh ee ay ugu soo baxeen, xuska sannad guurada 24aad ee qaranimada Somaliland oo inagu taagan qiime aad u sareeya.”
 
Waxa xusid mudan in munaasibadan ay dadweynaha kala qayb galeen qaar ka mida fanaaniinta qaranka oo halkaas ku soo bandhigay qaab masrixiyadeed ay aad u jeclaysteen dadkii daawanaayay. Musaanibadan xuksa 24 guurada madax banaanida Somaliland ayaa waxay ku soo gaba-gabowday jawi aad u degan oo farxadi ku dheehan hatay guud ahaan gobolka Daad-madheedh, iyadoo ciidamada ammaankuna ay kaalin aad way ka qaadanayeen ilaalinta nabadgelyada.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply