Afghanistan: Booliis loo Xukumay Haweenay Qur'aan Gubid loo Dilay

0
454

Kow iyo toban  askari oo ka tirsan booliiska Afghanistan ayaa lagu xukumay min hal sano oo xabsi ah, waxaa loo haysataa in ay ku guuldaraysteen in ay badbaadiyaan haweenay ay dad badani ku dileen magaalada Kabul bishii saddexaad.
Haweenaydaas oo 28 jir ah oo lagu magacaabo Farkhunda jug ama gacanqaad ayaa lagu dilay kaddib markii lagu eedeeyay in ay gubtay kitaab Qur’aan ah, inkasta oo dad goobjoogeyaal ah ay sheegeen in aysan qur’aan gubin.
Horaantii bishan afar nin ayaa dil loogu xukumay geerida gabadhaas, sideed kalana waxaa lagu xukumay xabsi.
Dhacdadaasi waxa ay sababtay mudaaharaadyo balaadhan oo lagaga soo horjeedo sida loola dhaqmay gabadhaas.
Sideed qof oo kale oo booliiska ka mid ah oo lagu eedeeyay dhacdadaasi ayaa arbacadii wax dambi ah lagu waayay.
Farkhunda waxa ay la murantay wadaad ay ku eedaysay in uu qardhaaso ka gado haweenka kaas oo ku sugnaa masaajid caan ah oo loo yaqaano Shah-Du-Shamshaira, kaas oo looga lugayn karo Madaxtooyada , iyo suuqa ugu wayn Kabul.
Qardhaas iibiyuhu waxa uu ka mid yahay dadka dilka lagu xukumay horaantii bishan.
Intii ay wadaadkaas kula murmaysay in uu qardhaaso gado ayaa lagu eedeeyay in ay kitaab gubtay dad badan ayaana markaas ku dhaqaaqay oo weeraray.
Baadhitaan rasmi ah ayaa sheegay in aan wax cadayn ah loo haynin in ay qur’aan gubtay.
 
 

Leave a Reply