Dawladda iyo Shacabka JSL iyagaa Dalkooda uga lex-jeclo badan Beesha Caalamka

0
743

Waa xaqiiq in Dawladnimada iyo Qarannimada JamSomaliland ay taam iyo mid dhamaystiranba noqon karto markay Beesha Caalamka ka hesho aqoonsi buuxa. Laakiin, AQOONSI LA’AANTU maaha mid Beesha Caalamka XAQ ama XEER u siinaysa inay soo fara-geliyaan arrimaha daakhiliga ah ee Dalkayaga!!!Dawladda iyo Shacabka JSL waa ummad iyagu isu tashaday oo ka tashaday inay isu halleeyaan Beesha Caalamka oo ay danahooda u daba fadhiistaan!! Dawladda iyo Shacabka JSL iyagaa cid walba ka yaqaan danahooda, iyagaana dalkooda uga lexejeclo badan Beesha Caalamka!! Ha noqoto Beesha Caalamka ama kuwa rumaysan Cadaadiska iyo Caga-juglaynta Beesha Caalamka, ha ogaadaan inaanay marnaba iyagu go’aanmin karin aayo-ka-tashiga iyo masiirka ay leeyihiin Ummadda Jam.Somaliland.
 
Laba-Wajiilaynta Beesha Caalamka:
Dawladda iyo Shacabka JSL iyagoon bulshada caalamka weli ka helin aqoonsi iyo ictiraaf buuxa, haddana waxay si buuxda uga soo baxeen masuuliyaddii iyo waajibaadkii ka saarnaa dalalka deriska ah iyo guud ahaanba bulshada caalamka. Shacabka Karaamada leh ee JSL iyagoo ku nool gobol ay colaado iyo khataro halis ahi ku gedaamanyihiin, haddana waxay ku guulaysteen inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida dalkooda. Waxay ku guulaysteen inay dhistaan Qaran dhisan oo macaamil la leh Bulshada Caalamka.
 
Waxay ku guulaysteen inay dhistaan dimuqraadiyad iyo dawlad ku timid rabitaanka shacabka. Waxay ku guulaysteen inay dib-u-dhistaan dalkoodii iyo dhaqaalahoodii la bur-buriyey. Waxa xusid mudan in wanaaga, horumarka iyo xasiloonida ay maanta JSL hayso inuu yahay mid ku qotoma dhaqan suuban oo soo-jireen ah oo ay Ummadda Somaliland asal u leeyihiin, kaasoo salka ku haya wada tashi, isku-tanaasul, is-qadarin, danta guud ee ummadda iyo maslaxadda Qaranka oo mudnaanta la siiyo.
 
Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku xaq-darro cad iyo gefba ka galayaan Qaran Guulaystay oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Wanaag,taasoo ay JSL ku sifowday muddo 24 sano ah!! Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku is-diidsiinayaan oo ay indhaha ka lalinayaan rabitaanka ummadda JSL iyo xaqa ay u leeyihiin inay noqdaan Qaran madax-bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka.
Dhinaca kale, waxaynu ku jirnaa Xilli ay si cad u muuqato Laba-Wajiilaynta ay Beesha Caalamku kula dhaqmayaan Dadka iyo Dalka Jam. Somaliland. Waxaynu ku jirnaa Xilli la isu abaal-marinayo Dawlad Xumada, Xasuuqa iyo Xad-gudubka Bini-aadamnimo, Colaadaha iyo Musu-maasuqa xad-dhaafka ah.
 
Nabadda iyo Xasiloonida:
Ummadda Somaliland iyagaa la yimid nabad-iyo-xasilooni- waarta. Iyagoon cidna u daba-fadhiisanin walaalaynta iyo is-weheshiga shacabkeeda, JamSomaliland waxay si la yaab leh u dhamaystirtay dhammaanba kaabayaasha nabadgelayada ee lagama-maarmaanka u ah jiritaanka qaranka. Haddaba, markaad u fiirsato hab-dhaqanka iyo laba-wajiilaynta ay beesha caalamku kula dhaqmayaan JamSomaliland waxay u muuqataa inay ina leeyihiin: Nabadda, xasiloonida iyo degenaanshaha aad samaysateen waa-bar-kuma-taal iyo biyo col dhaanshay, mar haddii aan dadkeena la dhex keenin Ciidamo Shisheeye oo magacyo badan wata kuwaasoo ina kala ilaaliya nabadana inoo keena?!!
 
Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda:
Ummadda Somaliland waxay is-waafajiyeen Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo hab-nololeedka bulshada Jam.Somaliland, taasoo si dhab ah uga tarjumaysa duruufaha iyo baahiyaha dhabta ah ee jira. Haddaba, markaad u fiirsato hab-dhaqanka iyo laba-wajiilaynta ay beesha caalamku kula dhaqmayaan JamSomaliland waxay u muuqataa inay ina leeyihiin: Dawladnimada iyo dimuqraadiyadda aynu la nimid waa-bar-kuma-taal iyo biyo col dhaanshay, mar haddii dawladnimadeena iyo dimuqraadiyadeenu aanay  u adeegayn danaha dhaqan, kuwa dhaqaale iyo kuwa bulsho ee ay leeyihiin dalalka reer galbeedku.
 
Dib-u-dhiska Dalka iyo Koboca Dhaqaalaha:
Ummadda Somaliland, iyagoo eex, caddaalad-darro iyo taageero la’aan weynba ka tirsanaya Beesha Caalamka oo ayna cidina ka caawin dib-u-dhiska dalkoodii iyo dhaqaalahoodii la bur-buriyey; waxay go’aansadeen inayna gacmaha hoorsan oo aanay cidna isku hallayn. Waxay u dhaqaaqeen dib-u-dhiska dalka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhiirri-gelinta suuqa xorta ah, iwm; muddo 24 sano ahna waxay ku sifoobeen inay yihiin mucjisada Geeska Afrika. markaad u fiirsato hab-dhaqanka iyo laba-wajiilaynta ay beesha caalamku kula dhaqmayaan JamSomaliland waxay u muuqataa inay ina leeyihiin: Koboca dhaqaale iyo horumarka aynu ku tallaabsanay waa-bar-kuma-taal iyo biyo col dhaanshay, kol haddii aanay iyagu (Reer Galbeedka) lug ku lahayn, oo aanay kula maamulayn kula qorshaynayn Haya’daha loo samaystay Faafinta Faqriga iyo Baahida Dunida (World Bank iyo IMF).
 
Mucaaridku uma bisla Hoggaaminta Dalka:
Hadda ka hor,  siyaasiyiinta u dhashay JamSomaliland waxay dhaqan u lahaan jireen inay hankooda iyo damacooga siyaasadeedba uga tanaasulaan mar walba halka ay ku jirto danta guud ee ummaddoodu. Nasiib darro, marxaladdan iyo waqtigan aynu ku jirno waxaa soo if-baxay hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo doonaya inay damacooga siyaasadeed ku xaqiijiyaan nidaam iyo sifo danaystenimo. Waxaa soo if-baxay hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo si toos ah uga hor yimid danaha dadka, dalka iyo maslaxadaha uu Qarankani ku leeyhay Bulshada Caalamka, sifahaana doonaya inay ku hantaan Kursiga iyo Hoggaanka dalka ugu sarreeya!! Waxaa soo if-baxay Hogaamiyeyaal iyo Siyaasiyiin raad-barad ah oo ummadda kula dhex wareegaya nacayb beelaysan, cadaawad shakhsi iyo xaalad-abuur dhalin kara isu dhac iyo aafo-bulsho!!
 
Nasiib darro waxa haatan si cad u muuqata in Shacbiga JamSomaliland iyo Xisbiyada Mucaaridka uu farqi aad u weyni u dhexeeyo!! Waxa si cad u muuqata in Xisbiyada Mucaaridku ay maalinba maalinta ka dambaysa ka sii fogaanayaan wax kasta oo ay dadka ku soo jiidan lahaayeen, waxayna adeegsanayaan intii codbixiyeyaasha ka sii fogaynaysay!! Nasiib darro  Xisbiyada Mucaaridku waxayna ogayn in marka Dalkeenu horumaro, inay dantooduna u hagaagayso!! Codbixiyeyaashu waxay isha ku hayaan hab-dhaqanka siyaasadeed ee Xisbiyada Mucaaridka ah, waana iyaga kuwa go’aanka ugu dambeeya ka gaadhi kara cidda ay talada iyo hoggaanka dalka u igmanayaan ee ay ku aaminayaan.
 
Guntii iyo gabagabadii, Dawladda iyo Shacabka JSL iyagaa cid walba ka yaqaan danahooda iyo siday ku jirto maslaxadda ummadoodu, iyagaana dalkooda uga lexejeclo badan Beesha Caalamka!! Shacabka iyo DawladdaJSL ka karaamo badan kuwo dantooda laga laaluusho ama loogu hanjabo cuna-qabatayn nooc kasta oo ay tahayba!!  Ha noqoto Beesha Caalamka ama kuwa rumaysan Cadaadiska iyo Caga-juglaynta Beesha Caalamka, ha ogaadaan inaanay marnaba iyagu go’aanmin karin aayo-ka-tashiga iyo masiirka ay leeyihiin Ummadda Jam. SomalilandALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh.
By: Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply