Masar oo lagu Eedeeyay Tacadiyo Galmo oo Badan

0
409

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa si weyn u adeegsanaya tacaddiyada dhanka galmada ah oo lagula kaco dadka la soo xidho, sida lagu sheegtay warbixin ay soo saartay hay’ad fadhigeedu yahay magaalada Paris oo lagu magacaabo International Federation for Human Rights (FIDH).
Warbixinta ayaa sheegeysa in tacaddiyada dhanka galmada ahi ay kordheen tan iyo markii milatariga dalkaasi uu xilka la wareegay bishii July sanadkii 2013-kii.
Warbixintu waxa ay intaasi ku dartay in dadka tacaddiyadani gaysanaya ay ku naaloonayaan ujeedo siyaasadeed oo looga gol-leeyahay in lagu cabudhiyo dhamaan mucaaradka.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Masar ayaa sheegay in uusan ka hadli karin warbixintaasi tan iyo inta ay ka darsayaan xogta dhabta ah ee ay warbixintu xambaarsan tahay.
Warbixinta waxaa ka mid ah waxyaabo laga naxo. Waxay sheegeysaa in booliska, sirdoonka, iyo xubno ka mid ah militariga in ay dembiyo geystaan, oo ay ka mid tahay kufsi, tijaabo xoog ah oo dumarka lagu sameeyo, iyo kufsi wadareed.
Dhibanayaasha, oo rag iyo dumarba isugu jira waxaa ka mid ah ardeydii dibadbaxayaasha ahaa, dadka arimaha aadanaha u ololeeya, iyo caruur la xidhay.
Arrintan ayay hay’addu ku sheegeysaa in looga golleeyahay in laga joojiyo isu soo baxyada, iyada oo dadka dambigaasi gaystana aan lala xisaabtamin.
Hay’adda qortay warbixinta waxa ay sheegtay inaysan cadeyn karin in taliyayaasha ay amarka bixiyaan, laakiin xaddiga xadgudubka iyo isla xisaabtan la’aanta ay muujinayaan in istiraatiijiyad siyaasadeed ay jirto, sida hay hay’adda ku warrameyso.
Katherine Booth oo ah agaasimaha qaybta u dooda xuquuqda dumarka ee hay’addan ayaa BBC-da u sheegtay in maamulka ay si weyn u geystaan xadgudubyada galmada.
Waxaa jiro sheegashooyiin ah in dadka qaarkood oo dacwooday ay si nidaamsan u hor istaageen laamaha cadaaladda, ayna wajahaan hanjabaadyo iyo aargoosi ay kala kulmaan booliska iyo ilaalada xabsiyada.
 
 

Leave a Reply