Amiir Charles ayaa la kulmay hoggaamiyaha ururka Sinn Féin, Gerry Adams lugtii u horeysay ee socdaal afar cisho ah oo uu ku tegay Ireland.
Mr Adams ayaa ka mid ahaa tiro siyaasiyiin ah oo ku qaabilayay amiirka qaybta soo dhaweynta ee jaamacada National University of Ireland Galway.
Waa kulankii ugu horeeyay ee jamhuuriyadda Ireland ku dhexmara hoggaanka Sinn Féin iyo qoyska boqortooyada.
Mr Adams iyo saaxiibkiisa Martin McGuinness waxa kale oo ay kulan gaar ah la qaateen amiir Charles.