Daacish oo Difaacanaysa Magaalada Ramadi

0
407

Dagaalyahanada Daacish ayaa isku dayaya in magaalada Ramadi ee dalka Ciraaq aysan gacantooda ka bixin kaddib markii ay ciidamada dowladda kala wareegeen daba-yaaqadii usbuucii tegay, sida ay wararku sheegayaan.
Malayshiyada ayaa albaabada galaya iyaga oo raadinaya dad taageersan dawladda maydadkoodana waxa ay ku tuurayaan wabiga Al-Furaat oo u dhaw, dadka deegaanka ayaa sidaas laga soo xigtay
Kumanaan Maleeshiyaadka shiicada ah oo Taageero ka helaya Iran ayaa isu uruursanaya bariga Ramadi iyaga oo isu diyaarinaya in ay ku biiraan dagaalka dib loogu qabsanayo magaaladaasi kaddib markii ciidamada dowladda Ciraaq ay ku jabeen halkaasi oo ay magaalada isaga baxsadeen.
Ugu yaraan 25 kun oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga carareen dagaaladaasi, kuwaas oo ku biiraya dad horey uga barakacay deegaankaasi.
Qaramada Midoobay waxa ay ka digeen xaalad banii’aadamnimo.
 

Leave a Reply