Obama oo Furtay Bog Twitter oo u Gaar ah

0
434

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Barack Obama uu Twitter-ka ka furtay bog gaar u ah.
Cinwaanka Obama ayaa ah @POTUS oo laga soo gaabiyay madaxweynaha Maraykanka.
Dhowr saacadood kaddib waxaa Obama Twitter-ka kaga soo biiray dad kor u dhaafaya hal milyan oo ruux.
Xisaabta Obama ee rasmiga ah ee uu Twitter-ka ku leeyahay waxaa la socda 59.3 milyan oo ruux.
Markii uu furay boggiisa gaarka ah ee Twitter-ka, Obama waxaa uu ku soo qorey: “Hello, Twitter! Waa Barack, lix sano kaddib hadda uun bay ii oggolaadeen inaan furto bog gaar ii ah”.
Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in arrintan ay Obama u sahli doonto in si toos ah ay xidhiidh ula yeeshaan dadka Maraykanka.

Leave a Reply