Dhalinyaro inay Daacish ku Biirayaan lagu Tuhmay oo Kanada lagu Xidhay

0
467

Booliiska Kanada ayaa xidhxidhay toban dhalinyaro ah oo looga shakiyay in ay qorshaynayeen in ay u safraan Ciraaq iyo Suuriya si ay ugu biiraan Daacish.
Tobankaas qofba waxaa lagu qabtay garoonka Montreal’s Trudeau sabtidii iyo axadii, waxaana laga xanibay baasabooradoodii.
Qoysaskooda waa la wargaliyay.
”waa wakhti ku adag qaraabada iyo qoyska dadkaas la xidhayba, go’aanka in ay safraana ma ahayn mid qoyska ka yimid”, hal qoys ayaa war uu soo saaray sidaas ku sheegay.
Booliisku waxa ay sheegeen in aysan shaacinaynin macluumaadka ku saabsan dadkaasi la xidhay isla markaasna aysan sidoo kale faafinaynin wixii ku hogaamiyay in ay dadkaasi xidhaan.
Wasiirka ammaanka bulshada Steven Blaney, ayaa ku amaanay askarta ”sida joogtada ah ee ay u feejiganyihiin” ayna bulshada uga badbaadinayaan ” halista argagixasada caalamiga ah ee socota”
Ciidammada Canada waxa ay qayb ka yihiin ciidammada iskudhafka ah ee ka hortagaya in Daaciish ay isku balaadhiso Ciraaq iyo Suuriya.
Rai’sal wasaare Stephen Harpe, waxa uu ku dhawaaqay bishii saddexaad in uu qorshaynayo balaadhinta hawlgalkaasi wixii intaasi ka dambeeyayna waxa uu balanqaaday 139 milyan oo doolar si wax loogaga qabto xaaladda baniiaadminimo ee gobolkaasi oo ka sii daraysa
 

Leave a Reply