Caruurta Fuqarada Ayaa Ka Caqli Badan Kuwa Tijaarta

0
430

Sida lagu sheegay daraasad ay dhowaan sameeyeen khubaro u dhalatay dalkaasi Maraykanka,waxa  jira farqi balaadhan oo u dhexeeya caruurta ka dhalata qoysaska lacagta leh iyo kuwa aan lacagta lahayn dhinaca maskaxda.
Caruurtan ayaa ah kuwo ku kala gedisay nolol ahaan,caafimaad ahaan iyo sidoo kalena dhinaca waxbarashada,laakin waxay shubaradani sheegeen in caruurtani yihiin kuwo ku kala duwan dhinaca maskaxda oo ay ku kala badan yihiin ,waxaanay intaas ku dareen in caruurta fuqaradu ka maskax badan yihiin kuwa dadka lacagta leh.
Khubaradan oo dhex maray dugsiyo badan ayaa sheegay inay markasta eegayeen imtixaanka ay galaan caruurtaasi,iyaga oo isu eegaayey markasta natiijooyinka ay keenaan caruurtaasi kala duwani,kuwaas oo ay ka muuqatay natiijo hoose caruurta lacagta leh imtixaamaadkooda,halka ay kuwa kalena ka muuqatay natiijo ka saraysa kuwa kale.
Waxa kale oo ay sheegeen khubaradani inay sameeyeen tijaabo dhinaca maskaxda ah ,kuwaas oo ku kala eegaayey caruurtaas iyo siday u kala duwan yihiin,waxaanay sheegeen  in caruurta fuqarada ahi ay markasta ka maskax badnaayeen kuwa lacagta leh.
Khubaradan oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Columbia University ayaa sheegay inay ku sameeyeen tijaabo dumar gaadhaaya 276 dumar ah ,kuwaas oo badidood ahaa dumar fuqaro ah ,halka kuwo kamid ahina ahaayeen dad lacag leh,waxaanay caruurtooda kala qayb qaadanayeen tijaabadan.
Caruurtan ayaa la eegaayey xadiga caqligiisa,sidoo kalena xaaladooda dhaqaale iyo maskaxdoodaba,iyaga oo eegaayey martabadaha kala duwan ee da’dooda.
Waxaanay natiijadii daraasadani cadaysay  in caruurta ku nool xaalada faqiirnimadu ka maskax badan yihiin kuwa lacagta leh,sidoo kalena ka caafimaad xun yihiin kana tayo yar yihiin,iyaga oo ku taliyey khubaradani in loo baahan yahay in la gacan qabto caruurtaasi lana daryeelo caafimaad ahaan iyo waxbarasho ahaanba.
 

Leave a Reply