Nicholas Kay Oo Ka Hadlay Ciidamadda Ururiska Ah Ee Loo Dhisayo Soomaaliya

0
434

Addis Ababa(Dawan):  Ergayga gaarka ee xogahayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay ciidan ururis ah oo madaxweynaha Somaliland  ku soo qaatay  khudbadiisii  xuskii 18 May, ciidamadaasi oo uu  ku sheegay inay Soomaaliya dhisanayso. Kuna  ku tilmaamay inay halis ku yihiin nabadda Somaliland iyo guud ahaan mandaqadaba.
Nicholas Kay, oo shalay magaaladda Addis Ababa ugu waramay BBC,  ayaa si dadban uga hadlay ka dayrinta Somaliland ee ciidamada ururiska ah ee loo dhisayo xukuumadda Xasan Sheekh, taasoo ay dabada ka riixayaan waddamo dano gaar ah ka leh maamulka iyo dhulka Soomaaliya.
 
“Anigu intaan ogahay dhamaan dalalka madaxa-banaan waxay u baahan yihiin inay dhistaan ciidan qaran, Soomaaliyana kama duwana dalalka kale ee u baahan inay dhisaan ciidan qarankooda ilaaliya.” ayuu yidhi Danjire Nicholas Kay.
 
 
Hanaanka magac ee loo dhigay ciidanka ururiska ah ee Soomaaliya loo dhisayo oo lagu sheegay ciidan qaran ayaan xaqiiqo ahayn sidaas, balse wejiga dhabta ah ee ciidankaasi leeyahay ayaa noqonaya qaabka ay ciidamada u dhistaan waddamada xukunka milateri ka jiro.
 
Kuwaasoo  ciidamada u adeegsada inay xoog ku muquuniyaan ummaddooda, isla markaana tacadiyada ay gaystaan si aan loogu helin cadeymo ayay meelo kala duwan iyo dad kala duwan u dhisaan ciidanka, qorshahan Soomaaliya ayaa marka dhinacaas laga eego sawirkaas.
 
Haddii  dhinaca kale la iska taagana waxa uu u muuqan karaa mid lagu mijo xaabinayo qarannimada iyo dawladnimada Somaliland oo ay doonayaan galaangalkooda inay usoo maraan ciidamo dhisid.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply