Caruurta Oo Telefishanka Hor Fadhida Muddo Saddex Saacadood Ah Waxa Xumaada Caafimaadkooda

0
418

Sida ay soo gudbiyeen koox dhakhaatiir ah oo ka qayb gelaysay shir caafimaadka lagaga hadlaayey oo ka dhacay magaalada San Diego ayaa lagu sheegay in caruurta oo hor fadhida telefishanka muddo saddex saacadood ah ay kala kulmaan caafimaad xumo.
Dhakhaatiirtan ayaa sheegay in caruurtu haddii ay daawato telefishanka muddo saacad ah ay ku keento buurni saa’id ah oo gaadhi karta 50%,taas oo caafimaadkooda hoos u dhigta,keentana in xididada dhiiga qaada ee kala duwani xidhmaan.
Khubaradan ayaa sheegay in caruurta ka yar 7 sanno ee inta badan daawada Cartoons ku ay khatar ugu jiraan inay ku dhacaan xanuuno badani,kuwaas oo ay adag tahay in hadhow laga daweeyo ama wax laga qabto.
Warbixintan ayaa sidoo kale sheegtay in laba saacadood oo ay caruurtu daawadaan Telefishanka ay keento inay culays ahaan noqdaan  kuwo buur buuran,gaadhayana 52%,sidoo kalena ay si dhakhso ah u gaadhi karaan 72% .
Waxaanay khubaradani sheegeen in dhibaatadaasi u baahan tahay in la yareeyo,iyada oo hoos loo dhigaayo saacadaha ay caruurtaasi hor fadhiyaan telefishankaasi,iyada oo laga ilaalinaayo saacadahaasi badan wixii ka hoseeya da’ahaan 7 sanno,waana in anaay ka badan ayay yidhaahdeen waqti dhan saacad badhkeed.

Leave a Reply