Dhimashadiisu Ma Been Ayay Ahayd?

0
514

Haddaba side ayuu ninkani uu soo noqday qoyskiisu isaga laftigiisa ayaa uga sheekeeyay reerkiisa iyo dadka la deegaanka ah arinkaasi waxaana uu yidhi :” Markii lay aasayay waan maqlayay wax kasta, laakiin maan hadli karayn, ma karayn inaan is dhaqaajiyo, markii lay aasayna, habeenkii waxa qabriga iigu yimi saaxirka Fodo , waxa uu furay qabriga, ka dibna waa uu i qaaday , waxa uu u siiyay biyo sixir iyo geedo wax yar ka dib waan toosay. Mudadaasi aan idinka maqnaa isaga ayaan adoon u ahaa,” .
Waxaan qabanayay waxa uu ii amro waxaana uu i odhan jiray aniga ayaa ku leh oo ku soo nooleeyay sidaasi ayay dad badan adoomo ugu yihiin, iyagoo qabanaya wixii uu u sheego oo keliya. Waxaana aan anigu uga shaqayn jiray beeraha sonkorta . waxaan imika usoo noqday wuu dhintay saaxirkaasi aniguna haddan ayaan wax kasta gartay oo aan fahmay, noloshiina dib ugu soo noqday.
Waxase la is weydiiyay sida sheekadani run u tahay, akhriste, waxba hala yaabin waaba arin caadi ku ah dalkaasi faqiirka ah ee saaxiriintu dadkii adoonsadeen, Waana mid ay aamisan yihiin inta badan dadka  dalkaasi Haite waxaana loo yaqaana caqiiqdada Fodo.
Sidee ayaa arinkani loogu helayaa tafsiir cilmi ah , sidee ayuu u noqonayaa qof nool qof  iyagoo dhakhaatiirtu baadhay oo ay cadeeyeen inuu dhintay, oo weliba la aasay?
Culimada iyo Dhakhaatiirta ayaan rumaysan waxa ka dhacaya Haite ee ah in dad dhintay soo noolaanayaan ! waxase la is weydiiyay sida ay saaxiriinta Food ay u samaynayaan arinkan ? waxaana soo baxay aragtiyo kala duwan , waxaana ugu xoog badan aragtida odhanaysay “ Marka ugu horysa wadaadka saaxirka ah ayaa calaamadsanaya qofka dhibanaha uu ka dhigayo, waxaana laga yaaba inay meel wada joogaan ama guri wada seexdaan, ama loogu keenay inuu daweeyo.
Saaxirka ayaa soo qaadaya dhir dabiici ah oo ugu darayo khudrad, Isla wakhtigasi waxa uu samaynayaa in meel yar oo jidhkiisa ka mid ah jeexo oo aan dhaawac weyn lahayn oo dhirtaasi qaarkeed ku ridaya.  Aqoonyahano iyo culumo ayaa rumaysan in dhirtaasi ay ka kooban tahay  sun uu leeyahay xaywaan badda ku nool lagu magacaabo nufaakh, taasi oo qofka muddo yar ka dib gelisa inuu noqodo baaralays kala daadsan sida maydka oo aan dhaqdhaqaaq lahayn, waxayna keenta ayay leeyihiin inuu yaraado garaaca wadnaha ilaa uu ku dhowaado inuu noqdo mid aan la dareemayn.
Haddaba marka uu saaxirku ogaado ina la aasay oo qabriga lagu qufulay amaba loogu yeedho, ayaa mar kale la soo baxaa oo haddana maadadii ka jebinaysay sii ka dibna soo toosa wakhtigaasi ayuu ka dhigaa inuu soo nooleeyo dadka dhintay. Waxaana uu noqdaa adoon mar haddii uu ku soo celiyay noloshii. Waxase dadka yaab ku ah marka dhakhaatiirta sidaasi loo khiyaameeyay ay qaarkood ku adkaystaan inuu qofkani ay eegeen uu si dhab ah u dhintay taasi ayaa ka dhigtay in saaxiriintu ay si xoog leh u qabsadaan dalkaasi faqiirka ee gaajadu dhinac kasta kaga xeeran tahay. Haddii ay awood u leeyihiin inay nolosha qof soo celiyaan boqorada dunida iyo kuwa lacagta ayaa dhergin lahaa. Waase khiyaamo ay ku adoonsadaan kuna haystaan dad sabool ah oo marka horeba nolol caqiido ka madhan dhex dabaalanaya.
Waxa kale oo iyana jirta in dadka Hayte badankoodu aanay rumaysan fikrada aqoonayahandu sheegeen oo ay aaminsan yihiin  in saaxirintoodu ay dadka soo nooleeyaan. Waxa kale oo jirta in dadka qaarkood u sheegaan in aanay shaqo ku lahayn oo aan looba ogolayn inay soo nooleeyaan taasi oo dadka aan caqiido lahayn ay barayo jilbaha dhigaan guriga saaxirka iyagoo ugu balan qaada wax kasta.
Waa duni yaab leh taasina waa nolosha Hayte ee ka madhan in caqligu u sheqeeyo sida xikmadaysan oo ah sidii Allah (sw) ugu talo galay.
 

Leave a Reply