Dad Ku Dhaawacmay Shil Baabuur Oo La Soo Gaadhsiiyay Cisbitaalka Burco

0
441

Burco (DAWAN):- Sagaal Qof  oo dhaawacyo  kala duwani ka soo gaadheen shil gaadhi oo ka dhaccay  degmada Qoryaale ayaa  la soo gaadhsiiyay Cisbtaalka Guud ee Magaalada Burco dadka ku dhaawacmay shilkaa baabuur ,ayaa waxaa Cisbitaalka ku booqday Guddoomiyaga Gobolka Togdheer  iyo ku simaha isuduwaha Caafimaadka  gobolka Togdheer.
Waxaanay masuuliyiinta  dadka dhaawacmay booqday ay sheegeen in sideed qof oo ka mid ah  dhaawaca xaaladoodu  wanaagsan tahay halka midka sagaalaadna ay  tilmaameen in dhaawiciisu culusyahay oo ay u soo  gudbinayaan Cisbiaalka guud ee Hargeysa.
Kusimaha isu-duwaha  Wasaarada Caafimaad  gobalka Togdheer Cabdirashir Maxamed Cali, oo kawarbxiyay  ayaa yidhi. “dhaawaca ilaa shalay soo gaadhay cisbitaalka Burco waxay ahaayeen  ee ka dhashay shilka gaadhi ee ka dhacay  Qoryaale waa 9 ruux  hal qof  oo ka mid  ah ayay xaaladiisu liidataa una baahan (scan) waxaanan  u gudbinaynaa   cisbitaalka weyn ee Hargeysa. gaadhiniina waanu u diyaarinay”
Isuduwaha ayaa intaa ku daray farriin qaylo dhaan ah oo uu u diray masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka  taasoo uu kaga dayriyay  xaaladda adeeg ee Cisbitaalka guud ee Burco “ waxaan u sheegayaa masuuliyiinta wasaarada caafimaadka cisbitaalka weyn ee  Burco in uu ku jiro xaalad aad u liidata oo aan loo heli karin bukaanka balaster waana ceeb inaad tidhaahdo bukaanka soo iibso balaster qof dhiig baxayay oo safar ahaa, markaa waxaan ka codsanaynaa in xil gaara layska saaro oo wax laga qabto xalaadan hadeer uu ku jiro cisbitaalku”.
Guddoomiyaha gobalka Togdheer Maxamed   Muuse, oo dhakhtarka ku booqday dadka shilka baabuur ku soo dhaawacmay  oo warbaahinta uga waramay ayaa yidhi. “Runtii xaaladii aanu ugu nimid xalay iyo tan saaka(shalay) ay ku sugan yihiin  aad ayay u kala wanaagsan tahay sababta oo ah waxay ahayd carcarta dhibaatada oo markaa cusbayd dadka waxaa ku jira baqe (Shock), waxaan u mahadnaqayaa shaqaalaha cusbitaalka weyn ee magaalada Burco oo uu hogaaminayo Kusimaha isu-duwaha wasaarada caafimaad gobalka Togdheer Cabdirashir Maxamed Cali, xalay waxay ahayeen heegan waanay u adeegeen dadkii dhaaawaca ahaa”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply