Dhiiri Gelinta Dimoquraadiyadda Reer Galbeedku Ma Cabudhinta Somaliland-baa ?

0
324

Guud ahaan caalamka aynu ku nool nahay oo maanta maraya casri ay dalalku ku kala horu maraan habka dimuquraadiyadda iyo ku dhaqanka  dawlad  ku dhisan doorashooyin xor  ah iyo asxaabta siyaasadda  qaran,ayay Somaliland safka hore kaga jirtaa dalalka ugu dimuquraadi san ee ka hana qaaday  guud ahaan qaarada Afrika.
Jamhuuriyadda Somaliland oo gumaystihii  ingiriis xorriyadeeda ka qaadatay 1960/26/jun ayaa midaw caadifadaysan  iyo doonista Soomaaliwayn waxay kula midawday 1 july Soomaaliyadii uu talyaanigu gumaysan jiray laakiin midawga Somaliland iyo Soomaaliya  ka dib waxaa lagu hungoobay  oo meesha ka baxday hirgalinta qorshihii Soomaaliwayn oo ku talagalku ahaa in la isu keeno Shan Soomaaliyeed oo kala ah Jabuuti ,kililka Shanaad iyo Waqooyi bari Kenya oo dhamaantood ahaa deegaamada geeska Afrika ee ay qoomiyadda Soomaalidu ay degto taa markii lagu guul darraystay waxaa kale oo meesha ka baxay oo la waayay gabi ahaanba xuquuqdii ay  lahaayeen bulshada reer Somaliland ee la midoobay Soomaaliya waxaanay Soomaaliyadii Muqdisho wada qaadatay dhamaan jagooyinkii ugu sarreeyay hayadaha dawladda. Intaa waxaa loogu sii daray bulshadii reer Somalilad xasuuq iyo dagaal naf iyo maalba leh  oo ay kula kaceen hoggaankii millatariga ahaa ee xoogga kula wareegay taladii wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya taasina waxay keentay in bulshada reer Somaliland ka gil gilato kana dagaalanto xasuuqa,cabudhinta iyo dagaalka iyo duulaanka uu bulsho ahaan iyo dal ahaanba ku soo qaaday maamulkii nidaamkii Siyaad Barre.
Aasaaska iyo abuurka ururkii SNM waxay bar bilaw u noqotay halgan dheer oo ummadda reer Somaliland ay u gashay la soo  noqoshada madaxbannaanidooda taasoo ay naf iyo maalba u hureen ugu dambayna ay ku guulaysteen waxay reer Somaliland ku guulaysteen in ay xornimadoodii lixdankii luntay la soo noqdaan 1991.
Shirwaynihii koowaad ee beelaha Somaliland oo ku qabsoomay magaalada Burco 91 kii ayaa lagaga dhawaaqay la soo noqoshada qarannimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland waxaana Burco lagu soo dhisay hayadihii dawladda Somaliland oo ku dhisan nidaam laga soo bilaabay salka hoose ee dib u heshiisiinta beelaha Somaliland waxana dawlad loo dhan yahay oo ay ku wada jiraan dhammaan beelaha Somaliland wada degaa ku dhisantay sidaas taasoo soo martay sadex  shirweyne beeleed oo ay reer Somaliland nidaam dhaqan doorasho ku soo sameeyeen dawlado is bedelay oo kala dambeeyay. Waxa  ay Somaliland 2002 dii u guurtay nidaamka dimuquraadiyadda ee Asxaabta badan.
Somaliland waxay noqotay dal dimuquraadi ah oo ka soo dhex baxay dalalka bariga afrika oo aanay si fudud ga hir gali karin dimuquraadiyad ku dhaqanka iyo hoggaan ku yimaada doorashooyin xor ah iyo rabitaanka shacbiga.
waxay qabsatay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo kala dambeeyay laguna soo doortay goleyaal deegaan, mudanayaasha wakiilada iyo laba doorasho Madaxtooyo oo ay markii ugu horraysay dal ku yaalla bariga afrika laba Madaxwayne oo la soo doortay xilka kula kala wareegaan iskuna hambalyeeyaan.
Hadaba waxay iswaydiintu tahay dawladaha reer Galbeedka iyo ururada ay iyagu samaysteen ee ku dooda hir galinta dawlad wanaagga iyo ku dhaqanka dimuquraadiyadu  ma waxay dimuquraadiyadda iyo dawlad wanaagga u yaqaanaan hadba waxay iyagu doonayaan oo kaliya maxaa sababay in ay dafiraan indhahana ka qarsadaan  dal 24 sano ku naaloonayay dimuquraadiyad,dawlad wanaag iyo ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah ee dunidu isla qaadatay kuna yaalla mandaqad ay adagtahay in si yar talada  dalka cod la isugu wareejiyo oo ay ka dhaqan  gasho nidaamka Asxaabta badan.
Beesha caalamku  halka ay ku mashquulsan tahay Soomaaliya in ay dhaqaale,maskax iyo muruqba ku taageerto dal aanay dawladnimoba ka jirin una samayso Maamul beeleedyo ay gacanta ku hayaan oo aanay illaa imika waxba ka hir galin,  ma waxay dunidu isugu hawlaysaa wax  qabadka dal aan dawladnimo iyo maamul shaqeeyaa ka jirin xinka Somaliland.
Beesha caalamku ma dimuquraadiyad doonbaa mise waa dimuquraadiyad diid? Su,aashaa waxaa jawaab cad loo helayaa markaad eegto caalamku siduu u dafirsan yahay xuquuqda ay leeyihiin ummadda reer Somaliland ee aayahooga  la soo noqday 24sano ka hor.
Beesha caalamka waxay bulshada Somaliland farriin adag oo masayrkooda ay ku muujinayaan ay u direen markii ay dastuurkooga ugu codeeyeen 97.70% haa dastuurkaasoo qeexaya la soo noqoshada iyo madaxbannaanida Somaliland.
Hadaba caalamku hadduu Somaliland ku colaadinayo ama ku cadaadinayo in ay aayahooga ka tashadeen oo ay iska diideen in loo taliyo cid kalena masiirkooga ka taliso imikana uma joojinayaan cid kasta oo is diidsiisa ama dafirta qarannimada Somaliland,Somaliland way soo jirtay waanay jirtaa waanay sii jiri doontaa inta caalamku jiro waana dad  shicib iyo dawlad mucaarid iyo muxaafid yar iyo weyn lab iyo dhedig u diyaar ah difaaca qarankooga ilaalinta wada jirkooga iyo midnimada Somaliland yoolkooga koobaadna waa horumarinta dalkooga waanay yaqaanaan sida loo dhisto waddankooga hadduu cadawga Somaliland ku farxay muranka siyaasadeedna sida looga gudbo waan naqaanaa wax naga xumaanaya iyo cid aanu u cabanaynaana ma jirto.
Dawladda Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudaha dawladnimo ee caalamiga ah waxay leedahay xuduudo caalamiya oo la aqoonsan yahay kana isiran soohdimihii uu sameeyay gumaystigii reer Yurub taasoo waafaqsan qawaaniinta AU-da ee la isku raacsanyahay waxaanay u hoggaansantahay dhamaan shuruucda Qaramada Midoobay kuwa Midawga Afrika iyo xeerarka caalamiga ah ee la iska ogol yahay mana jirto sabab beesha caalamku ugu sandullayso wax aan rabitaanka shacabka Somaliland ahayn.
Faallo: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply