Israa'iil oo Mamnuucday Sharci Muran Dhaliyay

0
414

Israa’iil ayaa hor istaagtay shuruuc cusub oo keeni lahayd in Falastiiniyiinta iyo Yuhuuda aysan isla raacin basaska u safraya daanta galbeed.
Wasiirka Maaliyadda ayaa subaxii arbacada bilaabay saddex bilood oo tijaabo ah, laakiin saacado gudahood Rai’sal wasaaraha Israel ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.
Kooxo matalaya Yuhuuda degan dhulka lahaysto ee Falastiin ayaa u ololaynayay in ay basaska isla raacin Falastiiniyiinta arrimo ammaan awgeed.
Laakiin qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku tilmaamay wax laga xishoodo oo cunsurinimo ah.
Ku dhawaad 500,000 oo Yuhuud ah ayaa ku nool in kabadan boqol deegaan oo la dhisay tan iyo markii ay Israa’iil qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.
Shuruucda caalami ah waxa ay dhigaysaa in deegaanadaasi ay sharcidaro yihiin laakiin arrintaas Israa’iil way ka Murantaa.

Qaabkan ay Israa’iil soo bandhigtay si qayaxan ugama mamnuucayo Falastininta in ay raacaan basaska Yuhuuda u qaada degmooyinka dhulka falastininta looga dhisay ee daanta galbeed, waxaase qaabakani uu abuurayaa hanaan kala qoqob ah, mar haddii uu xeerinayo in Falastinintu ay galinka dambe oo kali ah raaci karaan basaska daanta galbeed u socda oo lagu baadhayo kontorooladii ay sii mareen aroortii.

Taas ayaa ka manuuceysa in ay basaska la raacaan yuhuuda dhulka la dejiyey oo aan iyagu mareyn baro kontorool,
kooxda nabadda u ololeysa ee Peace Now waxay tidhi: ”haddii uu jiro wax u eg sidii hanaankii midabtakoorka ee apartheid-ka iyo hadii ay jiraan wax u uraya sidii midab kala sooca oo kale, wax kale ma aha ee waa apartheid-ka laftirkiisii”.
Si kastaba ha ahaatee Madaxii hore ee ciidammada Israa’iil Sareeye Gaas Nitzan Alon, ayaa sheegay in shaqsiyan uusan halis u arkin shaqaalaha Falastiiniyiinta ah.
 

Leave a Reply