Sacuudiga oo Xayaysiiyay Shaqooyin ah Qoorgoynta Dadka lagu Helo Dembiyada

0
403

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa xayaysiisay in ay u baahan tahay ilaa 8 ruux oo howshoodu noqon doonto in ay qoorta ka gooyaan dadka lagu helo dambiyada lagu mutaysto dilka.
Wax shuruurd ah laguma xidhin dadkan, oo waxaa laga doonayaa oo kali ah in ay wax dili karaan.
Waxaa sare u kacay dadka qoorta lagaga gooyo Sacuudi Carabiya, oo qofkii 85-aad ayaa la dilay tan iyo markii u billawday sanadkan.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa horey u cambaareeyay dilalka ay ku kacdo Sacuudi Carabiya, oo la sheegay in uu yahay dalka saddexaad ee dadka ugu tirada badan lagu dilo dunida oo dhan.
 

Leave a Reply