Qurba-jooge Maalgelisay Xaafad Casri Ah Oo Laga Dhisayo Burco

0
411

Hargeysa (Dawan) – Maayarka Magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer Md. Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) ayaa waxa uu dhagax dhigay dhismeyaasha 100 guri oo qurba-joog iskaashanayaa ay magaalada Burco kaga dhisanayaan xaafad casri ah, taas oo loo bixiyay (Euro Village).
Munaasibada kooban oo loo sameeyay dhagax dhiga xaafadan cusub ayaa waxa ka hadlay maayarka magaalada Burco Md. Maxamed (Muraad), maayarku waxa uu sharaxaad ka bixiyay xaafadan cusub ee ay dhagax dhigayaan.
Waxaanu  yidhi “Xaafadan waxa la yidhaa Euro Village ama xaafada qurba-joogta, waxaana loogu talo galay dadka qurba-joogta ahi inay dhistaan oo maal gashadaan dhulkooda, si ay kaali wayn uga qaadato bilicda magaalada.
Dhulka magaalada dhexdeeda ah iyo ka ka baxsani waxay ku kala duwan yihiin, ka ka baxsan magaalada waxa si fudud loogu talo gali karaa qoshayaasha loo baahan yahay sida meelaha danta guud.”
Xiis Axmed Fadhiyare oo ku hadlaayay afka qurba-joogta dhisanaysa xaafadan ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ka mid ahay dadka qurba-joogta ah ee iibsatay dhulkan, waxaanu aad ugu mahadcelinaynaa dhamaan dawlada Somaliland siiba madaxda burco oo kaalin wayn ka gaystay sidii qurba-joogta reer tog-dheer ay u heli lahaayeen dhul ay ka dhistaan dhismeyaal qiimo leh oo la jaan qaadayan kuwa caalamka.”
 
Xildhibaan Axmed Cabdi Dhinbiil oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada burco ayaa waxa uu baaq u diray qurba-joogta kale eek u dhaqan guud ahaan wadama dibada.
 
Waxaanu  yidhi “Waxaanu dadka qurba-jooga ah ugu baaqaynaa oo aanu leenahay walaalayaal dawladeenu way ina ogoshay oo wax bay inala qabanaysaa, inaguna waa in aynu soo diyaar garawnaa oo dalkeena maal gashanaa.”
 
 
Waxa kale oo isna munaasibadaa hadal ka jeediyay gudoomiye ku-xigeenka gobolka Tog-dheer Md. Maxamed Diiriye Xayd ayaa waxa uu qurba-joogta xaafadan dhisnaysa ku amaanay sida ay u maalgashanayaan dalkooda, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Dadka qurba-joogta waxaanu ku bogaadinaynaa sida ay ugu soo dhiiradeen maalgashiga dalkooda, iyagoo kaalin wayn ka qaadanayaaya bilicda magaalada Burco, waxbadan ku soo kordhinaya horumarka dalkooda gaar ahaan magaalada Burco, waxaan leeyahay wad mahadsan tihiin walaalayaal waxaad qaadeen talaabo ku daysaho mudan.”
 
 
Mashruucan dadka qurba-joogta ahi ay ka bilaabeen magaalada Burco ayaa ah mid kaalin aad u wayn ka qaadan kara horumarka ka socda guud ahaan gobolkaas, gaar ahaana magaalo madaxdiisa, waana talaabo mudan in ay ku daydaan qurba-joogta kale ee reer Somaliland.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply