Xukuumadda iyo Saddexda Xisbi Oo Yeeshay Shir Hordhac Ah Oo Lagu Fur-daaminayo Khilaafka Ka Dhashay Muddo Kordhinta

0
397

Hargeysa  (Dawan):  Xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland, ayaa bilaabay wadahadalo xalka siyaasi ah loogu   raadinayo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu u sameeyaan  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiilada.
 
Shir  ay shalay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran iyo madaxweyne ku xigeenka oo metelayay dhinaca xukuumadda oo ka qabsoomay Huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, isla markaana uu   guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayay dhinacyadu  iskula qaateen sidii xal loogu heli lahaa khilaafkaasi.
Shirkaasi oo ay saxaafadu banaanka ka joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay masuuliyiintii shirkaasi ka qayb galay, waxaanay sheegeen in shirkani uu gogol xaadh u yahay  shirweyne kan ka balaadhan oo ay dhinacyadu isugu imanayaan  sabtida soo socota.
 
 
 
Madaxweyne  ku xigeenka  Somaliland Md.  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici), oo ugu horayn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid la doonayo in lagu turxaan bixiyo khilaafka jira ee ka dhashay muddo kordhinta ay guurtidu dhawaan  go’aamiyeen.
 
“Waxaanu halkan iskugu nimid oo aanu furaynaynaa maanta (shalay) shirkii aanu ku baaqnay haddaanu nahay Xukuumadda ee ahaa inay saddexda xisbi qaran ka wadahadlaan kana wadatashadaan muddo kordhintii ay Guurtidu samaysay.
 
Shirkana  waanu furanaynaa waxaana ina horyaalaa waa dan qaran dan qof leeyahay maaha, danta qarankana mid walba waynu ka horaysiinaynaa  ta qaranka ayaynu wixii ina horyaala aynu ka wadahadlaynaa.  sidii ugu haboon  ee ay wax u hagaajisanayno , iyadda oo cunfi iyo cadho midna aanay jirin. Sidaa darteed waxaan leeyahay shirku wuu inoo furan yahay.
Warbaahintana  waxaan leeyahay wixii go’aan ah waad maqli doontaan, sidaad taqaanaan maalin wax kuma dhamaadaan  oo ma odhan karo muddadaasu socon karaa sababtoo ah raga meesha wada fadhiyaa waa qaranka madaxdiisii  oo shirka Ajandihiisaanu qorshaysanaynaa.”  ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
 
 
Guddoomiyaha Xisbiga  KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa sheegay in shirku u furmay si niyad sami ah, islamarkaana uu la xidhiidho sidii xal siyaasi ah  loo heli lahaa  khikaafka ka dhashay muddo kordhinta.
 
Waxaanu  yidhi  “Markaanu arrimihii isla eegnay bilaw-buu Shirku maanta ahaa, markaanu dhinac walba ka eegnay waxaanu ku heshiinay Ajandihii Shirka iyo sidaanu u gudogeli lahayn , anagoo si walaatinimo ah, oo niyad sami ah oo qolo waliba si masuul ah u soo fikirtay.
 
Waxaanu  isla eegnay qodobadii muhiimka ahaa, qaabku Shirku u soconaya iyo Ajandaha sidaanu u wadayno, waxaanu ku heshiinay in Shirka Ajandihiisu noqdo in arrintaa qoloba meel iska taagtay ee dib u dhaca doorashooyinka aanu helno xal siyaasiya oo saddexda xisbiba ku heshiiyaan oo ku qancaan oo aan gudahayaga ka dhamaysano, waxaanu isla qaadanay in Khamiista iyo Jimcaha qolo waliba isku noqoto oo Sabtida aanu furano doodii ahayd arrintaa sida aynu iga baxno ah oo Ajandihii so toos ah loo galo. Niyad sami, midnimo iyo mid balan aanu ku wada qaadnay  in aanu arrintaa xalkeeda dhamayno oo aanu xal arrintaa ka gaadhno, inaga oo isku wada kalsoon.”
 
Sidoo kale  guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  (Cirro), ayaa isagu dhinaciisa waxa uu  rejo ka muujiyay in xal laga gaadho khilaafka ka dhashay muddo kordhinta Guurtida. Isagoo xusay markii hore ay axsaabta mucaaridku meello kala fog ka taagnaayeen arrintaasi, hase yeeshee la isla qaatay in khilaafkaasi xal siyaasi ah lagu dhameeyo.
 
 
waxaanu yidhi  “Waxa Shirka guddoominayay sidaa Guddoomiye Muuse Biixi sheegay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, markii aanu isku nimid waxaanu ka doodnay waxa laga wadahadlayo, waxa laga wadahadlayo wuxuu noqday khilaafka muddo kordhinta ee Golaha Guurtida Somaliland, Axsaabtu meelo kala duwan bay joogeen laakiin waxaanu isla garanay in xal siyaasiya ka doono oo Axsaabtuna u soo waranto Axsaabtoodii Sabtidana la isku soo noqdo, xal siyaasiyana loo raadiyo khilaafkan ka dhashay muddo kordhinta Guurtidu samaysay. Markaa INSHA ALLAH waxa la isku iman doonaa Sabtida, shacabkana waxaanu u sheeganyaa intaas.”
 
 
Dhinaca  kale Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo  isna  arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkaas ay ka soo bixi doonaan qodobo ka farixiya shacabka, isla markaana dan u ah dalka iyo dadkaba.
Hase yeeshee Eng. Faysal ayaa naqdiyay in khilaafkaasi uu gaadhay  golaha amaanka ee qaramadda midoobay, taasi oo noqonaysa markii u horaysay taariikhda.  Waxaanu  yidhi  “Intaa aynu jirnay marnaba arrinteenu may gaadhin Golaha amaanka, arrinteena Golaha amaankaa laga sheegay.  weliba waxa ku faanay Ninka la yidhaahdo Nicholas Kay oo yidhi waxaan ku booriyay inay Shir wadatashi furaan, horta waxaan sheegayaa isagu naguba boorin ee anagaa keenay arrintan inuu ku faano ma aha,  oo inagu inaga yimid waa waxaynu leenahay.
 
Haddii aanu UCID nahay labadan Xisbi ee kale waa loo kordhiyay oo laba Nin oo loo kordhiyay baanu la fadhinay oo Mawqifkooda difaacaya, xisbia keliya ee aan loo kordhin waa anaga.
 
Markaa  arrinta waa in sidaa loo kala gartaa, Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiye Cirro waa loo kordhiyay , aniguunbaa waxba la ii kordhin taas ogaada. Sidaa darteed waaanu garanay in waxeena sidii caadada inoo ahaan jirtay inaan laga tashan ma sharcibaa oo Dastuurkii iyo sharcigii mar hore ayaynu jeebka gashanay oo kuma shaqayno.  Sidii  caadada inoo ahaan jirtay oo inaga oo dadka iyo dalka u tudhayna in halkaa la tago oo wadatashina kula noqono Axsaabteenii oo sidii caadada inoo ahaan jirtay Sabtida in inaga oo wax fiican oo Ummadda ka farixiya, cadowgana ka nixiya.”
By. Khaalid  Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply