Xoghayaha QM oo loo Diiday inuu Booqdo Waqooyiga Kuuriya

0
422

Waqooyiga Kuuriya ayaa si degdeg ah u baajisay booqashadii uu wadankooda ku tagi lahaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, hal maalin  ka hor markii uu halkaasi gaadhi lahaa.
Ban waxa uu booqan lahaa xarunta warshadaha ee Kaesong, oo ah goob dhaqaale oo ay ka wada hawl galaan Waqooyiga iyo Koonfurta.
Isaga oo ka hadlaya magaalada Seoul, Ban waxa uu sheegay in go’aankaasi uu yahay ”mid aad looga shalaayo” isla markaasna aan wax faahfaahin ah laga bixinin.
Haddii uu booqdo waxa uu noqon lahaa xoghayihii ugu horeeyay ee Qaramada Midoobay ee booqda Waqooyiga Kuuriya mudo 20 sano ka badan.
Xoghaye Ban kI-Moon waxa uu sheegay in uu doonayay in uu dardargaliyo dib u heshiisiinta.
Markii uu shaaciyay booqashadaasi arbacadii waxa uu sheegay ”in uu ku baaqi doono in Waqooyiga kuuriya ay kala shaqayso beesha caalamka gacanka Kuuriya iyo nabadda iyo xasiloonida” sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Yonhap.
 

Leave a Reply