Xisbiga Waddani Oo Cadaystay Sida Uu Uga Soo Hor Jeeddo Aqoonsi Ay Somaliland Ka Hesho Caalamka iyo Shuruucda Dalka

0
424

Hargaysa (Dawan):  Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo muddooyinkanba ku hawlanaa qorsheyaal lidi ku ah qaranimadda Somaliland iyo shuruucda wadanka ayaa sheegay in Somaliland ay gacmo madhan ka taagan tahay sidii ay ictiraaf uga heli lahayd caalamka.
 
Waxaanu xisbigaasi  ku kacay arrin dhabar-jab ku ah midnimadda iyo wada jirka umadda reer Somaliland kadib markii uu habeen hore hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa ku qabsaday xaflad lagu sheegay in ay ugu dabaaldegayaan xuskii 18-ka May, taasi oo maalintii Isniintii dalka iyo dibadda si weyn looga xusay.
 
 
Hase yeeshee xafladaasi uu xisbiga Wadaani sida gaarka ah u qabsaday oo aan si cad loo ogayn u jeedadda ay ka lahaayeen, maadaama oo uu masuulka ugu sareeya xisbigaasi oo ah guddoomiye Cirro munaasibadii xuska 18-ka May uu kaga qayb galay magaaladda Boorama. Balse uu xisbiga Waddani  xaflad kale oo ay ku keliyaysteen ku qabsadeen Hargaysa xili habeenimo ah.
 
Munaasibadan oo u muuqatay mid  indho sarcaad  ah  oo  xisbiga Waddani ku sheegayay inay  ku xusayaan 18-ka  May ayaa noqonaysa markii u horaysay taariikhda inta ay Somaliland jirtay  uu xisbi mucaarid ahi sidan oo kale qol madow kelidii ku qabsado munaasibad qaran, oo qiimo weyn u leh  shacabka Somaliland.
 
Waxaanay  arrintani  ku soo beegmaysaa wakhti shaki badan ay shacabku ka  muujinayaan  siyaasadda guracan ee xisbiga Waddani  uu cadowga Somaliland   ugu gacan haadinayo.   taasi  oo mar kale  mad-madow iyo shaki   abuurtay, isla markaana muujisay in aanu xisbiga Waddani   aaminsanaantiisa qadiyadda  madax-banaanida Somaliland.
 
Guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro),  oo  hadal  ka jeediyay xafladaasi ay qolka ku qabsadeen   ayaa    sheegay in beesha caalamku soo farogalin doonaan Somaliland, taas oo muujinaysa quusta uu ka taagan yahay inuu mansab madaxtinimo dalka ka qabto.
 
 
“18-ka  May waa maalintii aynu caalamka u sheegnay in aynu noqonay dawlad madaxbanaan.Somaliland waxa ay dhistay hanaan dimuqraadiya oo ku salaysan axsaabta iyo saxaafadda,  oo madaxbanaan labadiiba waxaanu  maanta ka taaganahay gacmo madhan. Somaliland 24 sanadood waxay ka taagan tahay ictiraafka gacmo madhan.Hadii la heshiin waayo beesha caalamku way imanayaan,  waanay ina soo farogalinayaan” sidaas ayuu ka sheegay C/raxmaan Cirro xafladaasi.
 
 
Sidoo  kale guddoomiyaha Waddani ayaa  iska indho tiray  awoodda dastuuriga ah ee golaha Guurtidu ay u leeyihiin  in ay  mudeeyaan wakhtiga ku haboon in la qabto doorashooyinka iyo muddo kordhin  ay  u sameeyaan xukuumadda iyo golaha Wakiiladda.
Waxaanu yidhi  “Axsaabtu waxay aqbaleen maalintii ay soo jeediyeen Komishanku in la qabto doorashooyinka, oo ah cida sharciyan  iska  leh qabashadda doorashadda.  waxaa looga digay golaha Guurtida oo axsaabta iyo beesha caalamkuba  uga dhigtay in aanay khilaaf  ka  abuurin Somaliland.  Wixii  looga digayayna  way dhaceen”.
Dawan Staff
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply