Saameynta Baraha Bulshada ay ku Wada Xidhiidhaan

0
442

Malaayiin, ayaa daawatay hooyo Maraykan ah, oo ogaatay in gabadheeda oo 13-jir ah, ay iska dhigtay in ay jirto 19, iyadoo isticmaalaysa baraha bulshada sida Facebook. Hooyadan ayaa fiidiyoow ay ku muujinayso sida ay uga cadhootay arrintan waxay soo dhigtay aalada dadka ay ku wada xidhiidhaan ee Facebook.
Ma saxan tahay in gabadh aan qaan gaadhin la ceebeeyo?
Val Starks, oo ah haweenayda dhashay gabadhan, ayaa waxay ogaatay in gabadheeda oo 13-sano jir ah, ay laheyd bog Facebook ah, ayna iska dhigtay in ay aad uga weyn tahay da’da ay jirto.
Arrintu intaa kuma eka, ee gabadhan yar, waxay sidoo kale bogeeda u isticmaali jirtay in ay kula sheekaysato rag ka waaweyn, waxayna sidoo kale bogeeda gelisay sawirro.
Hooyada gabadhan dhashay, ayaa Facebook soo gelisay fiidiyoow ay ku canaanayso gabadheeda, si ay u ciqaabto.
Fiidiyowgan, oo soconaya ilaa shan daqiiqo, ayaa waxa daawaday ilaa11 Milyan oo qof markii la soo dhigay Facebook ama sii gudbiyay.
Waxaa Fiidiyowga lagu arkayaa haweenaydan, oo ku soo celcelinaysa in gabadheeda, ay dadka u sheegto da’ada runta ah ee ay jirto, waxayna u sheegtay in ay ka mamnuucayso in ay daawato Tv-ga ama gasho internet-ka muddo dhowr bilood ah.
Fidowgaas, ayaa marka uu marayo kala badh waxa lagu arkayaa gabadha yar oo ooyaysa, oo ka baryaysa hooyadeed in aan lagu qasbin in ay aado iskuulka maalinta xigta, balse hooyadeed ayaa u muuqata in aysan dhag u dhigaynin baroorta inanteeda.
Haweenaydaan, oo BBC-du ay la hadashay, ayaa sharaxday sababta ay Fiidiyowgaas u soo dhigtay Facebook.
Waxay sheegtay in ay horay xabsi ugu gashay dambiyo ay gashay, taasoo dhibaato ku noqotay in ay shaqo hesho markii ay ka soo baxday xabsiga.
Waxay sheegtay in ay doonayso in aysan caruurteedu raacin wadadii ay iyadu martay. Waxay sheegtay in ay tahay haweenay qaadata go’aanno aan wanaagsanayn oo marka dambana lagu ciqaabay, waxay sheegtay in haddii caruurta ay qalad galaan ay lagama maarmaan tahay in loo ciqaabo qaladka ay sameeyeen.
Fiidiyowgan, ayaa waxaa ra’yigooda ka soo dhiibtay 10,000 oo qof oo dunida oo dhan ah, oo ku kala ra’yi duwan. Qaar ayaa taageeraya arrintan ay hooyada samaysay, oo waxay leeyihiin gabadha haddii ay gashay qalad waa in ay qirataa dambigeeda.
Dadka qaarna waxa ay leeyihiin sidee u canaanan kartaa cunugaaga, ama aad u cabudhin kartaa. Taas ayay ku tilmaameen in ay waxyeelaynayso koriimada caqli ee caruurta.
 

Leave a Reply